Hargeysaโ€“ Baanka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu fasaxay adeegga Person-to-Merchant (P2M) iyo isku keenida labada gacmood ee sicirka sarrifka  taas qayb ka ah qorshaha lagu casriyeynayo nidaamka maaliyadda dalka, lagu taageerayo hirgelinta Cashuurta Badeecadaha iyo Adeegyada (GST), laguna xoojinayo xasilloonida dhaqaalaha.


Laga bilaabo maanta, lacagaha ka yar USD 100 waxaa loo isticmaali karaa oo keliya bixinta badeecadaha iyo adeegyada ganacsiga iyadoo loo marayo adeegga Person-to-Merchant (P2M). Baanka Somaliland waxa uu cadeenayaa in mamnuucidda dirista lacagaha ka yar USD 100 ee u dhexeeya qof iyo qof (P2P) ay weli sidiisii u taagan tahay, sidoo kalena dhammaan kanaalladii hore loo xidhay ay sii ahaanayaan kuwo xidhan ilaa amar dambe.


Dhanka kale, Talaabadan Baanka Somaliland waxay kor u qaaday xoojinta addeegsiga sarrifka online-ka ah waxaanay keentay in dhamaan addeeg bixiyeyayaaha iyo ganacsatadu ba ay isticmaalaan sicirka rasmiga ah ee Baanka Somaliland kaas oo oo Meesha ka saaray sicirkii suuqa madaw ee lacagta lagu kala sarrifan jiray. Tallaabadani waxay xoojinaysaa hufnaanta suuqa, waxaanay yaraynaysaa kala duwanaanshaha sicirka sarrifka, soona celinaysaa kalsoonida adeegsiga sarrifka online-ka.


Baanka Somaliland ayaa ugu dambayn ugu baaqay bangiyada, shirkadaha adeegyada lacagaha elektaroonigga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hirgelinta go'aamadan, kuwaas oo lagu xoojinayo nidaam maaliyadeed casri ah, hufan, isla markaana waara.