Hargeysa - Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Carab Maxamed Aadan ayaa xalay lagu dhuftay Xabad, Islamarkaana dhaawiciisu yaalla Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Ninkan cidda Xabadda ku dhufatay ciidamada amaanku weli shaaca kama qaadin, In la aqoonsadday iyo in kallena weli lama sheegind, waxaase la tilmaamay in baadhis socoto. “jidka 200 dhinaca galbeed ayaa isaga oo xabadu ku taalo ciidamada Boolisku ka soo qaadeen. Qays ahaana, maanu ogeyn oo waxaanu ku war helay uun ninkii oo cusbitaalka yaalla. Waxaana boolisku noo sheegay in la baadhayo  kiiska, oo aanay cid u soo qaban.” Sidaas waxaa yidhi Maxamed Aadan oo ah aabaha dhalay wiilka dhaawacmay. 

Warku waxaa uu intaas ku daray in wiilkan dhaawacmay, xabadu kaga dhacday Naaska midig dushiisa, islamarkaana xagga danbe ka baxday.

Maaha markii koowaad ee la is weydiiyo, qof Hargeysa dhexdeedda lagu toogtay 

Waxaase hore u dhacay, laba qof oo suuqa Hargeysa lagu dilay oo aan weli si rasmi ah loo shaacin cidii dishay. Waxaana loogu baaqay laamaha amniga in ay kordhiyaan dedaalkoodda la xidhiidha dabagalka.