Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin qabsoomidda imtixaanka shahaadiga ah ee dalka wareegtada ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku fasaxday shaqaalaha maalinta Sabtida ah ee ku beegan 27-ka Juun 2026.
Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyey in hawlaha imtixaanka shahaadiga ahi u socdaan sidii loogu talo galay, isla markaana aan laga leexanayn jadwalkii iyo muddadii loo asteeyey inuu imtixaanku ka bilaabmo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
Daa’uud Axmed Faarax ayaa ardayda, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada Somaliland u xaqiijiyey in aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid qabsoomidda imtixaanka, isaga oo xusay in wareegtada fasaxa shaqaalaha dawladdu aanay saamayn ku yeelanayn nidaamka imtixaannada qaranka.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku wargeliyey in imtixaanka shahaadiga ahi ku qabsoomi doono wakhtigii loo qorsheeyey, isaga oo ardayda ugu baaqay inay si buuxda ugu diyaar garoobaan gelitaanka imtixaanka.