Hargeysa, Madaxwayne Ku-xigeenka JSL, Maxamed Cali Cabdi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xisbiga Waddani iyo xukuumaduba ay maankooda ku hayaan la iskula xisaabtamayo guusha iyo xilka loo dhiibey ee loogu doortey sanadkii 2024.


Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay in shacabku ay qiimeynayaan wax ay xukuumaddu qabatay, sidoo kalena xisbigu ay tahay inuu la xisaabtamo xukuumadda uu soo saarey si la iskula jaanqaado.


"Xisbiga iyo Xukuumadduba haku xisaabtaan guusha la gaadhay iyo xilka loo dhiibay in layskula xisaabtamayo oo ummaddu ay eegayso waxa xukuumaddu qabatay iyo wixii laga rejeyanayay in ay fulisay. XIsbigana waxa saaran in uu la xisaabtamo xukuumadda uu dhisay ee uu soo saaray karaamona yeelan maayo haddii aan la xisaabtamin."Madaxwayne Ku-xigeenka JSL, Maxamed Cali Aw-cabdi