Somaliland waxay u baahan tahay dhalinyaro aqoon leh, aragti fog leh, una diyaarsan isbeddellada ka socda dunida.

Horumarka bulsho laguma gaadho hadal oo keliya, mana dhisnaado dhaliil joogto ah. Waxa lagu gaadhaa aqoon, fikir furan, hal-abuur, hoggaan wanaagsan iyo dad u taagan inay xal u helaan caqabadaha haysta bulshadooda.

Maanta dunidu waxay ku socotaa horumar xawli badan leh, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo warbaahinta. Sidaas darteed, Somaliland waxay u baahan tahay dhalinyaro la jaanqaadi karta isbeddelladaas, fahamsanna in aqoontu tahay furaha horumarka iyo mustaqbalka ummadda.

Dhalinyaradu waa inay noqdaan kuwo aqoon ku hadla, xaqiiqada baadha, bulshada wax u sheega, xalna soo jeediya. Waa inay ka gudbaan doodaha aan waxba dhisayn, una gudbaan fikrado wax ka beddeli kara nolosha dadka. Waxaa loo baahan yahay dhalinyaro fahamsan masuuliyadda saaran, kuna dhiirrata inay ka hadlaan waxbarashada, shaqo-abuurka, caafimaadka, dhaqaalaha, maamulka wanaagsan iyo horumarinta dalka.

Dhanka kale, warbaahintu waxay door weyn ku leedahay dhismaha bulshada. Saxaafaddu ma aha oo keliya in la baahiyo wararka, balse waa inay noqotaa madal aqoon lagu faafiyo, xaqiiqada lagu raadiyo, masuuliyadda lagu xoojiyo, laguna soo bandhigo dhibaatooyinka bulshada iyadoo lala imanaya talooyin iyo xalal wax ku ool ah.

Suxufiga iyo aqoonyahanka bulshada u hadlaya waxaa laga rabaa inuu ku hadlo xog la hubiyey, kala saaro xaqiiqada iyo ra'yiga, kana fogaado wararka aan la xaqiijin, dacaayadaha iyo hadallada bulshada kala fogaynaya. Waa inuu dadka u iftiimiyaa waxa u dan ah, isaga oo aan xaqiiqada u beddelin dano gaar ah.

Waxaan aaminsanahay in Somaliland ay u baahan tahay jiil cusub oo leh saddex sifo: aqoon, aragti iyo masuuliyad. Jiil aqoontiisa u adeegsada horumarinta dalkiisa, aragtidiisana ku saleeya mustaqbalka, masuuliyaddiisana ku muujiya ficil iyo waxqabad.

Haddii aynu doonayno Somaliland horumarsan, aynu maalgelinno waxbarashada, kobcinno xirfadaha dhalinyarada, dhiirrigelinno hal-abuurka, taageerno saxaafadda xirfadaysan, isla markaana abuurno jawi ay aqoonyahannadu si xor ah oo masuuliyad leh ugu soo bandhigi karaan fikradahooda.

Ugu dambayn, Somaliland uma baahna oo keliya dhalinyaro mustaqbalka sugaysa; waxay u baahan tahay dhalinyaro maanta u diyaargaroobaysa mustaqbalkaas. Isbeddelka aynu doonayno wuxuu ka bilaabmaa fikirka, wuxuu ku koraa aqoonta, wuxuuna ku hirgalaa ficilka.

Dalka waxaa dhisa dadkiisa, dadkana waxaa dhisa aqoonta, wacyiga iyo masuuliyadda ay qaadaan.

Waxa qoray Muxyadiin Mohamud Cali.