Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay hirarka kulaylka daran ee ku dhuftay Faransiiska iyo dalal kale oo Yurub ah, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Dadweynaha ee Faransiiska. Inta badan dadka geeriyooday ayaa ahaa kuwo da'doodu ka weyn tahay 65 sano, iyadoo la filayo inay tirada dhimashadu sii korodho marka la helo xog dhammaystiran.
Hirarka kulaylka oo socday tan iyo 20-kii Juun ayaa sababay in dugsiyo iyo matxafyo la xidho, halka ku dhowaad 191 milyan oo qof la filayo inay la kulmaan heer-kul gaadhaya 35°C ama ka badan dalal badan oo Yurub ah.
Dhanka kale, Jarmalka waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 7 qof shilal dabaal oo lala xidhiidhinayo kulaylka ba'an, iyadoo heer-kulku meelo badan gaadhay 40°C. Saynisyahannadu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada ee bani'aadamku sababay uu door weyn ku leeyahay hirarkan kulaylka daran, inkasta oo ifafaale cimilo oo loo yaqaan Omega Block uu sii xoojiyay xaaladda.