Hargeysa โ€“ Jaamacadda Gollis iyo Shirkadda Dhaweeye ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis iskaashi oo muhiim ah, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac iyo abuurista fursado ay ka wada faaโ€™iidaysanayaan darawallada, shaqaalaha iyo ardayda.


Heshiiskan ayaa dhigaya in darawallada ka hawlgala Shirkadda Dhaweeye ay helaan qiimo-dhimis gaar ah oo ay kaga faaโ€™iidaysan karaan adeegyada kala duwan ee Jaamacadda Gollis. Adeegyadaas waxaa ka mid ah barnaamijyada Bachelor Degree, Master's Degree, Short Courses, tababarro xirfadeed iyo adeegyada kale ee waxbarasho ee ay jaamacaddu bixiso.


Dhanka kale, heshiisku waxa uu sidoo kale xaqiijinayaa in hawl-wadeennada iyo ardayda Jaamacadda Gollis ay helaan qiimo-dhimis weyn oo ku saabsan adeegyada gaadiidka ee ay bixiso Shirkadda Dhaweeye, gaar ahaan adeegyada safarka maalinlaha ah iyo gaadiidka ardayda qaada.


Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskani uu ka tarjumayo sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta adeegyada bulshada, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo fududaynta adeegyada gaadiidka, iyaga oo xusay in iskaashigan uu noqon doono mid faaโ€™iido u leh kumannaan arday, shaqaale iyo darawallo.


Jaamacadda Gollis ayaa xustay in iskaashiyadan noocan ahi ay qayb ka yihiin dadaallada ay ku xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay hayโ€™adaha gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado waxbarasho oo la awoodi karo isla markaana loo dhiirrigeliyo horumarinta xirfadaha bulshada.


Sidoo kale, Shirkadda Dhaweeye, oo ah shirkad hormuud u ah adeegyada gaadiidka casriga ah iyo adeegyada dijitaalka ah ee Somaliland, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay iskaashigan cusub, kaas oo sii xoojinaya doorkeeda ku aaddan taageeridda waxbarashada iyo horumarinta bulshada.


Heshiiskan ayaa la filayaa inuu noqdo bilowga iskaashi istaraatiiji ah oo labada dhinac u horseeda horumar waara, isla markaana bulshada u abuura adeegyo tayo leh oo qiimo jaban lagu heli karo.


Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan adeegyadan iyo sida looga faaโ€™iidaysan karo qiimo-dhimistan weyn, fadlan kala xidhiidh Xafiisyada Xidhiidhka Dadweynaha ee Jaamacadda Gollis iyo Shirkadda Dhaweeye.