Hargeysa (codkaqurbajooga):- Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa caawa la soo xidhay Caawa, ka dib markii uu Sabtidii illaa caawa si toos ah uga socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.


Bandhiggan sannadkan oo ahaa kii 19-aad oo si xidhiidh ah uga socday magaalada Hargeysa, ayaa xafladda lagu soo gebogebeeyey oo si toos ah uga socotay masraxa Xarunta Dhaqanka, waxa ka qaybgay Duqa Caasimadda Hargeysa, Mudan kale iyo Boqollaal Dadweyne ah oo Fannaaniintu caways diirran ku madaddaaliyiin.


Guddoomiyaha Red Sea Cultural Center, ahna Aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa ugu horreyn halkaas ka hadlay, waxaanu si qoto dheer u sharraxay qaabkii uu u qabsoomay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa kalkiisan 19-aad. Muddadaas oo uu xusay in guulo muhiim ah laga gaadhay ujeeddooyinka Xarunta iyo Bandhigga loo sameeyo oo ah Horumarinta Dhaqanka, Akhriska, Qoraalka, Fanka, Suugaanta, Taariikhda, Dhigaalka amma Kaydinta arrimahaas oo dhan, Midaynta Farriimaha dhalinyarada iyo aqoonyahanka oo heer fiican gaadhay.


Jaamac Muuse, waxa uu sheegay in Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa yahay Daaqad u furan Somaliland oo dunida ku xidha, isla markaana sannadkasta Farriimo muhiim ah ay qaadaan Wufuudda Dalalka dunida ee ka soo qaybgala Bandhigga, welina ay hawshaasi socoto.


Dr. Jaamac, waxa uu is barbardhig ku sameeyey Bandhigyadii hore iyo ka sannadkan 19-aad, waxaanu yidhi; 

"19 Sano oo Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa uu innoo ahaa Daaqad innoo furan oo aynu dunida kala xidhiidhno oo ay Farriimo halkan ka diraynay."


"Sannadkani waxa uu kuwii hore kaga duwan yahay, Maanta waxaynu joognaa Somaliland oo la Aqoonsan yahay, Farriimaha aynu diraynaana waa kuwo Dal la aqoonsan yahay...." sidaa ayuu yidhi Dr Jaamac Muuse Jaamac Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. 


Waxaanu mahadnaq u jeediyey Bulshada ka qayb qaadatay Bandhigga,  si gaar ah waxa uu ugu mahadnaqay dalka sida gaarka ah loogu marti geliyey Bandhigga Buugaagta oo ahaa waddanka Eswatini iyo Hawlwadeennada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo dhalinyarada la shaqaynaysay intii Bandhiggu socday.


Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Cabdirisaaq Wiiwaa oo ka hadlay gunaanadka Bandhigga, ayaa bogaadiyey doorka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo uu soo jeediyey in laga dhigo Bandhigga Somaliland maaddaama oo uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta, Afka Hooyo, Qoraalka, Curinta, Kaydinta Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta dalka.


Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Tiyaatar Qaran. Waxa uu xusay in Shaqaalaha dowladda hoose ee Hargeysa ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalinba hawlaha shaqo ee ay Bulshada u hayaan. Maayer Wiiwaa waxa uu si mucjiso ah Istayjka uu ka hadlayey ee Xarunta Dhaqanka ugu soo bandhigay si toos ah shaqada ay caawa Mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda hoose ku jireen maaddaama Roobab ka da'een degmooyinka Caasimadda, kuwaas oo dhawr baabuurta waxyeello kooban gaadhsiiyey.


Markii uu Warbixinta Raadyaha uu Hawlwadeennada heeganka ah kula xidhiidhay u sheegeen ka dib oo si toos ah loo dhegaysanayey, ka dib Dadweynaha Munaasibadda xidhitaanka Bandhigga ku sugnaa, ayaa Sacab ku maamuusay Maayerka Caasimadda Hargeysa.


Bandhigga oo aalaaba lagu soo gabagabeeyo Fan iyo Suugaan, ayaa caawa lagu sharfay Kooxda Dayax Band oo heeso kala duwan ku maaweeliyey ka qaybgalayaasha. Sidoo kale Kooxaha Ciyaara Hiddaha iyo Dhaqanka.


Lixda Cisho ee uu socday Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxa lagu wadaagay Dood-cilmiyeedyo, Daraasado, Suugaan, Dhaqan, Buugaag kala duwan, Masrixiyado iyo Farshaxanno la soo bandhigay.