Dawlad waliba Danteeda iyo Maslaxadeedu meesha ay ku jirto ayey marta, Somaliland Maslaxadeedu waa Isbahaysiga Esrael, Giriiga iyo Qubrus.


Is-bahaysiga Maka loogu magac daray ee ka kooban Suciidiga, Turkiga,  iyo Bagistan ee lagu af gobaadsanayo inuu yahay Isbahaysi Difaac, iyo Isbahaysiga kale Esreil, Giriiga iyo Qubrus ee Difaaca jawiga loogu magac daray,   ee ay yurub iyo Maraykan iyo Hindiya xagga dambe kaga daaban yihiin, ma laga yaabaa Somaliland inay ka hesho Isbahaysi Aqoonsigeeda iyo difaaceedaba Xoojiya? Dabcan, Sida muuqata dhinaca hore waxaa ku bahoobay dawladaha dagaalka kula jira jiritaanka qaranimada Somaliland, dhinaca kalena waa dawladaha qaarna aqoonsadeen Somaliland kuwa kalena Tuunbada ayey ku soo jiraan ee aynu rajada weyn ka qabno.


Anigu waxan ka mid ahay dadka Reer Somaliland ee Aqoonsigu ku wayn yahay ee Dawlad Aan qarsanayn nacaybkayga iyo dafirada jiritaankeeba aan odhanayn dawlad heblaayo waa walaalaheen, Somaliland waxay Dani ugu jirta Isbahaysiga ay Samaysteen Esrael, giriiga, Iyo Qubrus, kuwaas  baanay ka doonaysaa Aqoonsi, kama doonayso dawlad jiritaan keena diidan oo la dagaalansan , hore in badan oo Inaga mid ah oo is yeelyeela waxay isku dhex Walaaqi jireen dawladnimada iyo qabiikooda, iminkana waxaynu ku darsanay Islaamnimadii iyo dawladnimadii ayeynu is dhex eryeyna. Dawlad walba danteedu waa u gaar, diinta ay haystaana waa gaar. 


Sanad hore mar uu dagaal.dhex maray Esrael iyo Xisbulaah, ayuu Sheikha sucuudigu fadwooday markaas buu Xisbulaah inay kufaaryihiin sheegay oo aanu dagaalkooduna ahayn jihaad, markaa ayaa aad buu ugu talax tegay dadyowgii Islaamka ahaa ayaa aad uga wada Cadhooday, Anigu waqtiga Xaramka ayaan ku sugnaa waxaa la waydiiyaa Su aalo wadaada xaramka jooga Su aalo diiniya waraaqo ayaa lagu qora dhamaan dadku Su aashii ayey waydiiyaanXusbilahi ma gaalaa mise waa dad islaama? Khadyan bay is Taageen maalmihii dambe waxay ku jawaabayeen dawladuhu waxay  kala leeyihhin  maslaxado Sucuudiguna Maslaxadiisa ayuu ka hadlay ee macnihii diini may ahayn.


Qallinkii: Kayd Cabdilahi Xandule