BERBERA –Maayirkii magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Cidin ayaa guud ahaanba iska casilay xilkii duqa magaalada Berbera ka dib culays kaga yimi dhinaca xubno mooshin ka wada oo ka tirsan Golaha deegaanka ee magaalada Berbera iyo xukuumadda oo u muuqata in ay badhi taarayso xildhibaanada mooshinka wada.
Cabdishakuur Cidin oo Berbera markii koowaad maayir ka noqday sannadkii 2012, waxa uu ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka ee xisbiga UCID uga soo baxay Berbera sannadkii 2012 isaga oo markii dambe ku biiray xisbiga Kulmiye oo ilaa hadda uu ka tirsan yahay.
Waa mayirkii labaad ee ugu muddada dheeraa magaalooyinka Somaliland waxana uu xilkan hayey 14 sano oo isku bixisa.
Hadda ayuu Warbaahinta kula hadlayaa Berbera isagoo faahfahinaya sababaha ku kallifay iscasilaada.
Codka Qurbajooga