BOORAMA – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsi laba maalmood soconaya oo ay magaalada Boorama ku qabatay Dalladda Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Umbrella, iyadoo iskaashi la leh bah-wadaagayaasheeda.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista ka-qaybgalka dhalinyarada ee siyaasadda, xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, adkaynta waddaniyadda, iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka dhalinyarada ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Axmed, ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xasilloonida, midnimada bulshada iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Waxa uu ku boorriyey dhalinyarada inay si firfircoon uga qayb qaataan horumarinta dalkooda, iyagoo ku salaynaya masuuliyad, aqoon iyo waddaniyad.Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay.
Guddoomiyaha SONYO Umbrella, Mudane Mustafe Dayib Cabdillaahi, iyo masuliyin ka socotay gollaha sare ee dallada SONYO Umbrella, kuwaas oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu noqdaan hormuudka nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka waara.
Kulankan ayaa isu keenay dhalinyaro, masuuliyiin ka socday jaamacadaha, ururrada bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaal bulshada ka tirsan, waxaana ujeeddadiisu ahayd xoojinta wacyiga muwaadinnimada, kobcinta ka-qaybgalka dimuqraadiyadda, iyo dhiirrigelinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa ugu dambayn bogaadiyey dadaallada ay SONYO Umbrella ku bixinayso horumarinta dhalinyarada Somaliland, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan barnaamijyada noocan oo kale ah ee kor u qaadaya aqoonta, hoggaaminta iyo doorka dhalinyarada ee horumarinta bulshada iyo qaranka.