Aynu ka soo qaadno in dadka Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka mid ah ama kala badh dadka dalku inay sitaan telifoon oo isticmaalaan.
Hadii aynu ka soo qaadno in qofka ugu kharash yar inuu $ 0.25 dollar oo isugu jira internet iyo ku hadal maalintii isticmaalo.
Hadii aynu ka soo qaadno qofka ugu badan isticmaalka telifoonka maalintii internet iyo ku hadal isna $2 dollar .
Hadii aynu ka soo qaadno celcelis ahaan in $1.125 dollar maalintii inuu qofka reer Somaliland isticmaalo oo kharash telifoon ah.
$1.125 × 3,000,000 Qof = $3,375,000 dollar maalintii .
Bishii waa $ 101,250,000 dollar
× 2.5% GST = $ 2,531,250 dollar ayey dawladu heli doontaa bishii .
Dakhliga dawladu meelaha aan laga fileyn ayuu ku jiraa ,
Cashuurta GST ee qofka ugu isticmaalka isgaadhsiintu waxay noqoneysaa $ 0.25 ×2.5%=0.005 cent
Cashuurta GST ee qofka ugu badan isticmaalka isgaadhsiintuna waxay noqoneysaa $2 × 2.5%=0.05 cent
Cashuurta GST ee celceliska dadka Somaliland qofka maalintii isgaadhsiinta ku waajibeysaa waxay noqon doontaa $1.125 × 2.5%= O.029 cent .
0.029 cent × 3,000,000 = cashuurta GST $ 87,000 dollar maalintii × 30 bisha =$ 2,610,000 dollar bishii.
Cashuuraha inaga bixiya dalku hore ha u socdo e .
Mohamed Abdi Jama