Hargeysa โ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroortii hore booqasho ku tagay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo uu qof qof ula kulmay bukaannada adeeggaasi ku tiirsan, isaga oo xog-ogaal u noqday xaaladdooda caafimaad iyo caqabadaha ay la kulmaan mararka qaar.
Madaxweynuhu waxa uu si dhow u dhegaystay cabashooyinka iyo baahiyaha bukaanka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in daryeelka caafimaadku yahay waajib Qaran, isla markaana ay Xukuumaddu ka saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee hubinta helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka ee Hargeysa, oo ka xog warramay xaaladda adeegga sifaynta kelyaha, baahiyaha jira iyo caqabadaha horyaalla.
Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday in Xukuumaddu ay si degdeg ah wax uga qabaneyso baahiyaha iyo cabashooyinka ka jira adeegga sifaynta kelyaha, gaar ahaan dhinacyada mishiinnada sifaynta, agabka caafimaadka iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah sii socoshada adeeggan naf-badbaadinta u ah bukaannada sida joogtada ah ugu baahan sifaynta kelyaha.