Hargeysa,(Codkaqurbajooga)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, Fu'aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee xaqiijiya himilada shacabka Somaliland ee la xidhiidha raadinta aqoonsi caalami ah.
Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay farriin u dirayaan dadka uu ku tilmaamay kuwa faafinaya warar iyo tashuush la xidhiidha arrimaha qaranka, isaga oo xusay in dadkaasi ay dano kale ku xidhayaan masiirka iyo danaha dalka, shacabkuna ay soo jeedayaan oo ay feejigan yihiin.Fu'aad Axmed Nuux ayaa ku dooday in Madaxweynaha Somaliland uu gutay waajibaadkii loo igmaday, isla markaana uu qabtay shaqadii shacabka Somaliland u doorteen, gaar ahaan dedaallada ku aaddan horumarinta qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.
"Madaxwaynaha JSL, waxa uu noqday kii koowaad ee xaqiijiyey himiladii shacabka ee aqoonsiga. Shacabku waxay u dirayaan farriin ah dadka tashuuska wada ee dano kale oo dalkeena ka baxsan ku xidhaya danaha dalkeda waxayna leeyihiin Madaxwaynuhu xilkiisii wu gutay shaqadii aan u diranayna waa qabtay"Wasiirka Duulista Iyo Horumarinta Madaarada JSL, Fu'aad Axmed Nuux.