TAXANAHA: ISKU DUUBNI — WADDADA QARANIMADA SOMALILAND.


QAYBTA 1AAD


Qore: Mohamed Farah Tahar


Aqoonyahan ku takhasusay Maamulka iyo Qorshaynta | Caaqil | Independent Researcher

HARGEISA  Somaliland waxay leedahay taariikh muujinaysa in marka bulshadeedu isku tashato, wada hadasho oo danta guud ka shaqayso, ay awood u leedahay inay gaadho nabad, xasillooni iyo horumar. Nabad-dhisiddii 1990-meeyadii waxay tusaale u tahay awoodda wada-tashiga, isu-tanaasulka iyo wadajirka bulshada.


Maanta waxaa ina hor taalla su’aal muhiim ah: Sidee ayaynu uga gudbi karnaa qabyaaladda, innagoo ilaalinayna dhaqankeena iyo qaranimada Somaliland?


Qabiilku laftiisu ma aha dhibaatada. Wuxuu taariikh ahaan qayb ka ahaa xidhiidhka bulshada, isu-gurmadka, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka. Dhibaatadu waxay bilaabataa marka qabiilka laga hormariyo qaranka, dan kooxeedna laga hormariyo danta guud; ama qof lagu qiimeeyo cidda uu ka soo jeedo halkii lagu qiimayn lahaa aqoontiisa, kartidiisa iyo waxqabadkiisa.


Taasi waa qabyaalad.

Qabiil iyo Qaranimo

Qabyaaladdu waxay dhaawacdaa midnimada bulshada, kalsoonida shacabka, maamulka, siyaasadda iyo fursadaha horumarineed. Marka qof karti leh fursad u waayo cidda uu ka soo jeedo, khasaaruhu kuma eka qofkaas; wuxuu gaadhaa qaranka oo dhan.


Qabiilku ha noqdo xidhiidh bulsho; yaanu noqon caqabad qaran.


Isbeddelkuna qoyska ayuu ka bilaabmaa. Carruurta waa in la baraa inay dadka ku qiimeeyaan kartidooda, akhlaaqdooda iyo waxqabadkooda. Dugsiyada iyo jaamacaduhuna waa inay xoojiyaan muwaadinnimada, wadajirka iyo masuuliyadda bulshada.


Dhalinyaradu waa inay siyaasiga waydiiyaan:

Maxaad dalka u qabanaysaa?

halkii ay ka weydiin lahaayeen:


Qabiilkee baad tahay?


Siyaasaddu Ha Noqoto Tartan Waxqabad

Siyaasaddu waa inay noqotaa tartan fikrado, qorshayaal iyo waxqabad. Shaqooyinka iyo xilalka qarankana waa in lagu saleeyaa aqoon, karti, hufnaan, sharci iyo waxqabad.


Hoggaanka dhaqankuna door weyn ayuu ka qaadan karaa xoojinta wadajirka bulshada. Fariintiisu waa inay noqotaa:


“Qabiilkaaga jeclow, laakiin Somaliland oo dhan jeclow.”


Beeshaada caawi, laakiin ha dulmin beel kale.

Warbaahinta iyo baraha bulshaduna waa inay xoojiyaan nabadda, xaqiiqada iyo danta guud, kana fogaadaan wax kasta oo bulshada sii kala fogaynaya.


Gebogebo


Somaliland waxay hore u muujisay inay caqabado waaweyn kaga gudbi karto wada-hadal, isu-tanaasul iyo wada-tashi. Sidaas darteed, yaraynta qabyaaladdu waa masuuliyad wada saaran qoyska, dowladda, siyaasiyiinta, hoggaanka dhaqanka, warbaahinta, aqoonyahanka iyo dhalinyarada.

Waxaynu u baahan nahay jiil ka gudba su’aasha:

Xaggee baad ka soo jeedaa?


una gudba:


Maxaad dalkaaga u qaban kartaa?

Qabiilku ha noqdo xidhiidh bulsho; qaranimaduna ha noqoto danta guud.


La soco Qaybta 2aad:


Caaqilka, Suldaanka iyo Ugaaska — Hoggaanka Dhaqanku Sidee Ayuu Uga Qayb Qaadan Karaa Dhismaha Isku Duubnida?


Taxanaha: ISKU DUUBNI — WADDADA QARANIMADA SOMALILAND