Xogo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in isku dayo hore oo la doonayay in shacabka Somaliland iyo xukuumaddooda la iskaga horkeeno, gaar ahaan arrintii la xidhiidhay Safaaradda Qudus, aanay midho dhalin


Waxaa jira hadallo iyo aragtiyo kala duwan oo bulshada dhexdeeda la isla dhexmarayo oo sheegaya in la doonayo in la abuuro kala shaki iyo kala fogaansho u dhexeeya shacabka Somaliland iyo walaalahooda reer Laas-caanood. Haddii ay jiraan isku dayo noocaas ahi, jawaabta ugu habboon ma aha cadho iyo kala qaybsanaan, ee waa in aynu ka jawaabno midnimo, bisayl siyaasadeed iyo ilaalinta nabadda.


Waxaan leeyahay dhalinyarada Somaliland: ha noqonina dad dareenkooda lagu hoggaamiyo ama loo adeegsado dano aan dantiinna ahayn. Ka fiirsada war kasta oo la idiin soo gudbiyo, xaqiijiya xogta, kana hormariya danta guud ee qaranka.


Taariikhdeenna ayaa markhaati ka ah in khilaafaadkii ugu adkaa lagu soo afjaray wada hadal iyo dib-u-heshiisiin.


Sannadkii 1994-kii waxaa dhacay dagaal sokeeye oo sababay khasaare weyn, balse ugu dambayn waxaa laga gaadhay heshiis, shacabka Somalilandna waxay doorteen inay walaaltinimada ka hormariyaan kala aargoosiga. Maanta cid loo haysto wixii markaas dhacay ma jirto.


Sidoo kale, Dagaalkii 2011 kii ee Kalshaale , dhacdooyinkii Suldaan Wabar iyo kuwo kale oo dhacayba waxay ku dhammaadeen wada hadal iyo dib-u-heshiisiin. Tani waxay caddeyn u tahay in Somaliland ay ku dhisan tahay dhaqanka nabadaynta iyo isu tanaasulka.


Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye wuxuu yidhi:


“Rag uu ka dhexeeyo geel,

Hadduu kala geeyo damac,

Waxaa isku gayn dantee,

Allaw garansii nin moog.”


Haddaba, haddii taariikhdeenna ay sidaas tahay, waxaa waajib nagu ah in aynu ilaalinno midnimada bulshada, lana soo dhaweeyo muwaadin kasta oo dalkiisa ku soo noqonaya iyadoo la dhowrayo sharciga, nabadda iyo wada noolaanshaha.


Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada, inay ilaashadaan midnimada, kana dheeraadaan wax kasta oo abuuri kara colaad iyo kala qaybsanaan. Somaliland waxay ku guulaysatay wax badan sababtoo ah shacabka ayaa mar walba danta guud ka hormariyay tan gaarka ah.


Hana laga dheeradoodo mashaariicda cadawga Somaliland dabada ka riixayo ee lagu xag-xaganayo haldoorka reer Laas-caanood iyo muwaadiniinta kale ee dalkooda dib ugu soo laabanaya. 


Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:


“Sacabka haddii aan xeeladi ku jirin, maxaa habeenkii loo tumaa?”


Waxaan ku soo gunaanadayaa tuduc ka mid ah maansadii Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Gadhle:


Magacaagu yuu noqon

Mid xumaan ka marag-kaca,

Sida macawisaaha qaar,

Ninba maalin yuu ku xidhan,

Hadba kii muraadleh,

Hawga dhigmin maqaar-saar.


Mar waxaad dhandhamisiyo

Mijin qaad ah haw dhiman,

Hana noqonin masiibiyo

Wax makhluuqa kala dila.


Ilaalinta midnimada, nabadda iyo wadajirka shacabka ayaa ka qiimo badan khilaaf kasta oo siyaasadeed oo dhexdeena ah. Somaliland waxay ku xoog badan tahay shacabka oo mideysan.


Guddoomiyihii hore Hay'adda Dhawrista Tayada JSL Md, Mukhtaar Maxamed Cali