HargeysaโArrintani waxay si gaar ah ugu soo beegmaysaa fadhiga kow iyo sideetanaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay โ81๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐ผ๐๐๐๐๐ ๐ต๐๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐๐๐๐๐๐๐โ, oo furmay 8 September 2026, halku-dhiggeeduna yahay โRestoring Trust, Managing Transformation: A United Nations That Delivers for All.โ Barnaamijka Golaha Guud wuxuu sidoo kale ka hadlayaa โAmplify the Voicesโ iyo โNo Country Left Out.โ Sidaas darteed, isu-soo-baxa madaxdeena iyo shacabka Somaliland qabanayaan wuxuu la jaanqaadaya jawi caalami ah oo dooddu ku saabsan tahay kalsoonida hayโadaha, maqalka codadka kala duwan iyo sida nidaamka multilateral-ka loo waafajin karo xaaladaha isbeddelaya. Taas macnaheedu ma aha in halkudhiga-ka Golaha Guud UNGA uu sharci ahaan taageerayo qadiyad gaar ah, balse wuxuu siinayaa dhacdada inay noqoto mid leh saamayn iyo dhugasho siyaasadeed oo la jaanqaadaysa doodaha hadda ka socda Golaha Guud.
Adeegsiga goobaha ku dhow Qaramada Midoobay si bulshooyinka aan kursi rasmi ah ku lahayn UN-ka ay codkooda u gaadhsiiyaan beesha caalamka ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐. Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan wuxuu dhacay 15 April 1967, markii Dr. Martin Luther King Jr. uu khudbad ka jeediyey bannaanka UN Secretariat Building isaga oo ka qaybgalayay isu-soo-bax weyn oo ka dhan ahaa dagaalkii Vietnam. Diiwaanka rasmiga ah ee UN-ku wuxuu sheegayaa in maalintaas uu la socday ilaa 125,000 oo mudaaharaadayaal ah, kadibna wafdi uu hoggaaminayay uu la kulmay Ralph Bunche iyo saraakiil sare oo UN ah, una gudbiyey petition ku baaqayay xal nabadeed. Tusaalahani wuxuu muujinayaa qaab taariikh ahaan la isticmaalay oo ah ๐ฉ๐ฎ๐๐ฅ๐ข๐ ๐ฆ๐จ๐๐ข๐ฅ๐ข๐ฌ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐ฎ๐ญ๐ฌ๐ข๐๐ ๐ญ๐ก๐ ๐๐, ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐จ๐ฐ๐๐ ๐๐ฒ ๐ข๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ ๐๐ ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐ฐ๐ข๐ญ๐ก ๐ญ๐ก๐ ๐๐, oo la jaal ah midka aynu Somaliland ahaan ka wadno afaafka hore ee goobta kuanku ka qabsoomayo.
Intaas kuma eeka ee waxaa jira tusaalooyin kale oo ku dhow arrimaha ๐ข๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐ซ๐๐ฉ๐ซ๐๐ฌ๐๐ง๐ญ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ ๐ฉ๐๐ซ๐ญ๐ข๐๐ข๐ฉ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง. Bulshooyinka taageera in Taiwan ay hesho ka-qaybgal ama xubinnimo Qaramada Midoobay ayaa sannado badan intii lagu jiray UN General Assembly ku qabanayay socod iyo isu-soo-baxyo ku dhammaada Dag Hammarskjรถld Plaza, iyagoo halkaas ka jeediya khudbado una gudbiya fariintooda madaxda iyo wafdiyada ku sugan New York. Tusaale ahaan, 2018 kooxo Taiwan ah ayaa socod dheer ku soo gebagebeeyay isla Plaza-da iyagoo dalbanayay in codkooda lagu maqlo doodaha UN-ka. Sidoo kale 2015, in ka badan 7,500 oo qof oo u ololeynayay nuclear disarmament ayaa ku soo baxay Dag Hammarskjรถld Plaza, waxaana halkaas UN High Representative for Disarmament Affairs iyo Madaxweynaha NPT Review Conference lagu wareejiyay petitions ay saxeexeen in ka badan toddoba milyan oo qof. Sidaas darteed, goobtu waxay leedahay taariikh dhab ah oo ah meel ay bulshooyinka rayidka ah, dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo bulshooyinka kala duwan ee aan sida buuxda uga dhex muuqan nidaamka UN-ku ku gaadhsiiyaan fariintooda bulshada caalamka.
Marka laga eego Qarankeena Somaliland, hadalka iyo isu-soo-baxa madaxdeenu hogaaminayso ee lagu qabanayo ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ฆ๐๐ซ๐ฌ๐ค๐ฃรถ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐๐ณ๐ waa mid la asiibay, waxaanay ka dhigan tahay fursad public diplomacy ah oo lagu soo bandhigayo qadiyadeena taariikhiga ah, ee ku qotonta sharciga iyo siyaasadaha cad, ee muddada dheer raadineysay dhegaysi caalami ah. Qiimaha ugu weyn ee isu-soo-baxan ma aha in isla maalintaas lagu gaadho aqoonsi rasmi ah ama xubinnimo Qaramada Midoobay. Waxa uu se abuuri karaa ๐ข๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐ฏ๐ข๐ฌ๐ข๐๐ข๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ, ๐ฆ๐๐๐ข๐ ๐๐ญ๐ญ๐๐ง๐ญ๐ข๐จ๐ง, ๐๐ข๐ฉ๐ฅ๐จ๐ฆ๐๐ญ๐ข๐ ๐๐ง๐ ๐๐ ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ ๐๐ง๐๐-๐ฌ๐๐ญ๐ญ๐ข๐ง๐ . Xilliga uu qabsoomayo fadhiga Golaha Guud UNGA, New York waxaa isugu yimaada madaxda dowladaha, wasiirrada arrimaha dibadda, diblomaasiyiinta iyo warbaahinta caalamiga ah; sidaas darteed fariin halkaas laga gudbiyaa waxay heli kartaa dhegaysi ka ballaadhan mida waqtiga caadiga ah.
Si dhacdadani u yeelato natiijo ka baxsan muuqaal iyo khudbad, waxaa muhiim ah in lagu ladho ๐ธ๐๐น๐ฎ๐บ๐ผ ๐ฑ๐ถ๐ฏ๐น๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฑ, ๐ฝ๐ผ๐น๐ถ๐ฐ๐ ๐ฝ๐ฎ๐ฝ๐ฒ๐ฟ๐, ๐น๐ฒ๐ด๐ฎ๐น ๐ฏ๐ฟ๐ถ๐ฒ๐ณ๐, ๐บ๐ฒ๐ฑ๐ถ๐ฎ ๐ฒ๐ป๐ด๐ฎ๐ด๐ฒ๐บ๐ฒ๐ป๐ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ-๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐น ๐น๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ผ ๐ฑ๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐๐ฏ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐. Taariikhdu waxay muujinaysaa in public advocacy-gu uu saamayn badan yeesho marka uu noqdo bilowga institutional engagement, halkii uu ku ekaan lahaa dhacdo hal maalin ah.
Sidaas darteed, isu soo baxa, hadalka madaxdeena iyo Madaxweynaha Somaliland ee Dag Hammarskjรถld Plaza ma aha wax ugub ah marka la eego dhaqanka public diplomacy-ga ee ku hareeraysan Qaramada Midoobay. Waxa wax cusub noqon kara waa sida Somaliland uga faaโiidaysato fursaddaas: in codkeeda si cad loo maqlo, qadiyaddeeda si xirfad leh loo diiwaangeliyo, isla markaana muuqaalka dadweynaha loo beddelo waddo diblomaasiyadeed oo joogto ah oo lagu gaadho dhegaysi, bandhigid iyo faham caalami ah oo qadiyadeena ka turjumaya.
๐ธ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐๐๐๐๐