Bismillaahi Raxmaani Raxiim 


War-saxaafadeed


Waxaa shir ballaadhan oo dhinaca Teleconference-ka ah isugu yimid qurbo-joogga Beesha Arab. Ujeeddada shirku waxay ahayd is-xogwaraysi, baraarujin iyo xoojinta isku xidhka bulshada beesha ee gudaha iyo dibaddaba.


Shirku waxa uu diiradda saaray doorka Beesha Arab ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahida loo qabo in si caddaalad ah loogu qoondeeyo saamiga ay xaqa u leedahay, iyadoo la isla qaatay in arrintaasi u baahan tahay wadahadal iyo la-xisaabtan ku dhisan dastuurka iyo sinnaanta.


Beesha Arab waxay xusuusinaysaa kaalintii taariikhiga ahayd ee ay ku lahayd halgankii dib-u-xoreynta Somaliland, isla markaana ay weli ka go'an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka.


Intii uu shirku socday waxaa laga dooday cabashooyinka jira, waxaana gebogabadii laga soo saaray qodobadan hoose:-


1. Beesha Arab waxay si buuxda uga go'an tahay nabadda, wada noolaanshaha iyo midnimada dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.


2. Shirku wuxuu isku raacay in cabashooyinka iyo tabashooyinka jira si rasmi ah loo gaadhsiiyo Madaxweynaha iyo hay'adaha ay khusayso.


3. Shirku wuxuu ugu baaqay Xukuumadda inay dib u eegis ku samayso saamiga iyo matalaadda ay beeshu ku leedahay hay'adaha dowladda.


4. Shirku wuxuu Madaxweynaha uga mahadceliyey hirgelinta iyo dhiirrigelinta mashruuca waddada Hargeysa–Balligubadle, hase yeeshee wuxuu caddeeyey in horumarinta waddooyinku aanay keli ahaan daboolayn tabashooyinka beesha ee dhinacyada kale.


5. Haddii aan wax ka beddel lagu samayn tabashooyinka jira, shirku wuxuu isku raacay in beesha ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo mideysan, kuna salaysan wada-tashi iyo ilaalinta nabadda.


Ugu dambayn, shirku wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wada-hadalka, cadaaladda iyo wadajirka si loo sii adkeeyo nabadda iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.


Af-hayeenka Guud Ee Qurabjoogta Arab


Jibriil Abiib Olow

Mahadsanidiin.