Hargeysa– Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta booqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Guurtida Muuse xaaji ducaale.
Cabdirahman saylici ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhigna sidan-:
“Waxaan Xafiiskiisa booqasho Hambalyo iyo Duco ah ugu tegay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale.
Waxaan Guddoomiyaha uga hambalyeynayaa xilka qaran ee loo doortay, anigoo Alle uga baryaya inuu ku asturo gudashada masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna garab galo hoggaamin wanaagsan, caddaalad & daacadnimo.
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa doorkii iyo waayo-aragnimadii uu muddada dheer ku soo lahaa Golaha Guurtida isaga oo ahaa xubin ka tirsan Golaha. Muddooyinkaas wuxuu kaalin muuqata kasoo qaatay ilaalinta nabadda, xal u helidda khilaafaadka, xoojinta wadajirka bulshada iyo gudashada waajibaadka qaran ee Golaha Guurtida. Waayo-aragnimadaa qotada dheer oo saldhig wanaagsan u noqon doontaa hoggaaminta Golaha maanta.
Waxaan ku dhiirrigelinaya inu waayo-aragnimada iyo aqoonta ku hoggaamiyo Golaha Guurtida, isagoo danta qaranka ka hormarinaya wax kasta oo kale, kana shaqaynaya adkaynta nabadda, midnimada, wadajirka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhanka kale, waxaan kula dardaarmaya inuu mar walba dhegeysto talada culimada, dhaqanka, waxgaradka & qaybaha kala duwan ee bulshada, si Golaha Guurtidu u sii ahaado; tiirka xasilloonida, dhaqanka suuban iyo wadajirka qaranka.
Waxaan u rajaynayaa guul & tawfiiq wanaagsan, waxaanan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo gudashada xilka loo doortay, kana dhigo hoggaamiye ku suntan caddaalad, dulqaad iyo daacadnimo.