Senator-ka laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Maraykanka, Ted Cruz, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, inuu  Jamhuuriyadda Somaliland u sameeyo qiimayn amni iyo talo socdaal oo u gaar ah.


Bayaan uu Senator Ted Cruz soo saaray oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,  ayuu ku sheegay in talada socdaal ee hadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku dabaqdo Soomaaliya  ay si isku mid ah u saamaynayso Somaliland, inkasta oo xaaladda amni, siyaasaddeed iyo maamul ee Jamhuuriyadda Somaliland ay aad uga duwan tahay tan ka jirta  Soomaaliya.


Sida uu xusay Senator-ku, digniinta heerka afraad ee "Ha u Safrin" ee Maraykanku ku dabaqo Soomaaliya ay ku sallaysan tahay arrimo ay ka mid yihiin dambiyada, afduubyada, argagixisada, qalalaasaha, xaaladaha caafimaad, miinooyinka, budhcad-badeedda iyo dhibaatooyin kale oo amni. Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in qiimayntaas aanay ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta  Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal gaar ah oo iskii isku maamula.


Ted Cruz ayaa sheegay in Somaliland muddo ka badan soddon sanno ay ahayd waddan leh maamul iskiis u shaqeeya, xasillooni siyaasaddeed iyo hannaan dimuqraadi ah. Waxa uu xusay in tan iyo sannadkii 2003 ay Somaliland qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo nabad ku dhacay, isla markaana si dimuqraadi ah loogu kala wareegay talada.


Waxa kaloo uu tilmaamay in Somaliland ay tahay saaxiib amni iyo diblomaasiyaddeed oo lagu kalsoon yahay, kana qayb qaadata horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.


Senator Cruz ayaa sheegay in siyaasadda hadda jirta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si khaldan ula dhaqmayso Somaliland, isagoo ku dooday in lagu daray xaalado amni-darro iyo qalalaase oo aan ka jirin dhulka Somaliland. Waxa uu sheegay in siyaasadani ay dirayso  farriin aan habboonayn oo muujinaysa in saaxiibbada ugu kalsoonida badan ee Maraykanka loola dhaqmo si la mid ah meelaha ugu nugul amniga.


Waxa uu intaa ku daray in siyaasaddan ay caqabad ku tahay maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Somaliland, isla markaana ay adkaynayso socdaallada iyo hawlaha rasmiga ah ee dawladda Maraykanku ka fuliso Somaliland. 


Senator-ku waxa uu ku dooday in hab gaar  ah loogi isticmaali karo shuruucda dhinaca socdaalka ee Somaliland, maadaama xaaladdeeda amni iyo maamul ay si cad uga duwan tahay tan Soomaaliya inteeda kale.


Ugu dambayn, Ted Cruz ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka in si degdeg ah loo bilaabo qiimayn amni isla markaana Somaliland loo sameeyo talo socdaal oo u gaar ah.


Ted Cruz  wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay siin doonto muwaadiniinta Maraykanka xog sax ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee Somaliland, isla markaana ay xoojin doonto iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbada ugu kalsoonida badan ee Maraykanka ku leeyahay  Geeska Afrika.