Xafiiska Somaliland Maritime Security Coordination Office (SMSCO) oo kaashanaya Hay'adda EUCAP, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay Shirka Sadex biloodka Ee Isuduwidda Amniga Badda Somaliland (Somaliland Maritime Security Coordination Quarterly Meeting), kaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin sare oo ka socday hay'adaha dowladda, ciidamada, iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo amniga badda.


Shirka waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay'adaha kala duwan, isuduwidda dadaallada lagu sugayo amniga badda, iyo doorka ay waaxda baddu ku leedahay koboca dhaqaalaha iyo ilaalinta danaha qaranka.


Waxa kale oo shirka ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Liibaan Diiriye, Mareeye Ku-xigeenka Berbera Free Zone, Mudane Cabdirisaaq Ruush, madax iyo masuuliyiin ka socday hay'adaha amniga, wasaaradaha ay khusayso arrimaha badda, iyo wakiillo ka socday hay'adda EUCAP.


Intii uu shirku socday, waxa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga iyo isuduwidda hay'adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha badda, iyadoo laga dooday qodobbada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin:


Xoojinta wada shaqaynta hay'adaha ku shaqada leh amniga badda iyo kor u qaadista isuduwidda hawlgallada.


Horumarinta Capacity Building, iyadoo la xoojinayo tababarrada, aqoon-is-weydaarsiyada iyo kobcinta awoodda farsamo ee hay'adaha.


Dardargelinta horumarinta Blue Economy si looga faa'iidaysto khayraadka badda si waara, loona abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo.


Hagaajinta nidaamyada ururinta, falanqaynta, isdhaafsiga xogaha, diyaarinta warbixinaha (Reports), iyo kor u qaadista Maritime Domain Awareness.


Dardargelinta diyaarinta, dib-u-eegista iyo hirgelinta xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada khuseeya maamulka iyo amniga badda, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.


Xoojinta iskaashiga Somaliland iyo bah-wadaagta caalamiga ah si loo horumariyo amniga badda, loo ilaaliyo xeebaha, loogana hortago dambiyada ka dhaca badaha sida kalluumaysiga sharci darrada ah, tahriibka, iyo falalka kale ee ka dhanka ah sharciga.