Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu sheegay in sannadkii 2025 shirkadaha maalgelinta yaryar ay dalka ku maalgeliyeen lacag dhan 25 milyan oo doollar, taas oo uu sheegay inay horseedday koboc dhaqaale oo la taaban karo,soona saartey maalgalintaasi hanti dhan 40 Milyan Dollar.



Gudoomiye ku xogeenka Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ka hadlayay munaasibada daahfurka, Barnaamijka Xoolo-jire ayaa ku dheeraaday sida ay Xooluhu lafdhabar ugu yihiin dhaqaalaha dalka.


Gudoomiye Khayre ayaa sheegay in Xoolaha Somaliland ay yihiin il dhaqaal oo wayn taasi oo kaalin muuqata ka qaata hawlaha waawayn ee Qaranka Somaliland.


Wuxu yidhi "Xooluhu waa il wayn oo Dhaqaale Badan Dalka ka soo Galo, waana il shaqo abuur, waana il dalku ka helo lacag adag.”


Xamse Khayre, ayaa soo jeediyey in mudnaanta la siiyo maalgelinta mashaariicda abuura fursadaha shaqo, kordhiya dakhliga muwaadiniinta, isla markaana xoojiya awoodda wax-soo-saarka ee dalka.


"Shirkadaha Maalgalinaha yaryar bixiyaaa waxay sanadkii 2025 wadanka ku maalgaliyeen 25 Milyan oo Dollar, taas oo ka dhigan in %66 ay maagalintaas soo saartey hanti dhan 40 Milyan oo Dollar. Waa horumar dhiirigalin leh laakiin waa in aan sii kordhino maalgalinaha loo jihaynayo wax-soo-saarka, shaqada abuuraya, kordhinaya dakhliga, xoojinaya awoodda wax-soo-saar ee dalkeenu leeyahay." Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka JSL, Xamse Khayre Cabdiraxmaan.