Hargeysa – Shacabka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay dareemaya culays dhaqaale oo sii kordhaya, iyadoo qiimaha adeegyada iyo maciishaduba kor u kacayaan.
Shirkadda Telesom ayaa kordhisay qiimaha ku shubista internet-ka, iyadoo halkii markii hore lagu iibin jiray 5,700 Shilin Somaliland, ay hadda ka dhigtay 6,300 Shilin Somaliland.
Korodhkan ayaa imanaya xilli qiimaha sarifka doolarku aanay shirkadu wax ka beddelin, iyadoo 1 doolar lagu sarifayso 11,000 Shilin Somaliland
Dhanka kale, dawladda oo u dhexaysa shacabka iyo shirkadaha dalka ayaan wali qaadin tallaabo muuqata, iyadoo shacabka Somaliland ay dareemayaan culays dhaqaale oo sii kordhaya.
Sidoo kale, bangigii loo xilsaaray xasilinta sarifka lacagta ayaa lagu dhaliilayaa inuu ku fashilmay xasilinta suuqa, taas oo sii kordhisay walaaca shacabka ee ku saabsan qiimaha adeegyada iyo maciishadda.
Shacabka ayaa isweydiinaya cidda ka masuulka ah ilaalinta danahooda, xilli shirkadaha qaarkood ay kordhinayaan qiimaha adeegyada, halka hay’adaha dawladdana laga sugayo tallaabo wax ka qabata culayska dhaqaale ee bulshada.
Farhan.