Shirkadaheenu Ma Raacaan Xeerka Tamarta?

Sharci ahaan Dabdhalin ,Qaybin iyo Gudbin Ma Israacaan?, Mise Waa Lakala Ilaaliyaa?

Yay ahayd Inay Sadexdan Kala Xadayso?

Maxaa Laga Dhaxlay Khibrad Mashaariicdii Hore ?


Ugu Horayn Waxay ahayd In Xukuumadu ay Ogaato ama ay Assesment ku samayso, Sidee Bulshadu ay ku Helaysaa Laydh/ Koronto Jaban? Maxaase Laga Dhaxlay Kuwii Hore Loogu Maalgaliyay Lacagta Adag Qaranka Loogu deeqay? 

Ma ganacsatada oo Hadyad iyo Sadbursiimo Lagu Siiyo Lacagta Qaadhaan bixiyayaashu ugu tabaruceen dadka masaakiinta ah ee uu waajibku ka saarnaa xukuumadu inay u ilaaliso, Una Qorshayso dhaqaalahooda ayaa Laydh Jaban Lagu Helikaraa?


Sidoo Kale  Nidaamka Laydhkeenu ma u kala  xadaysan yahay Sadexdan Qodob Ee Halbeega u ah Adeega laydhka, mise shirkad kaliyaata ayaa sadexdaba isku ah, sadexdan nooc ee tamarta korontadu waxay kala yihiin sidtan hoose.


1.Dab Dhalin (Genertion).

2. Dab Gudbin (Transmission).

3. Dab Qaybin (Distribution).


Hadaba marka la doonayo dab tayo sare leh oo jaban waxaa lakala ilaaliyaa oo lagu tartamaa sadedan nooc oo waliba dab dhalinta aan lagula tartamin oo ay gacanta dawalda ku hadho Dab Dhalintu (Generation), halka labada kale lagu tartamo oo lagu ilaaliyo tayada ku xusan xeer Lr.23 Xeerka ismaamulka gobolada iyo dagmooyinka waana halka maalinwalba khasaaraha nafeed iyo maalba uu inaga soo gaadho, balse laga dhigo qadar alle oo aan wax magdhaw ah loo raacin shirakadahan masuuliyada iskuwada xayuubsaday, sadexdan hab waa sida uu u nidaamsan yahay xeerkeenu balse aan loo raacin.


Sidaas darteed Qorshaha Mashruucda Lagu Maalgalinato  Laydhku Waxba Kama Duwana Kuwii Hore Ee Boqolaalka  100 Milyan Ee Hargaysa Lagu Maal Galiyay Ee Aan Waxba ka badalin Nolasha Shacbigii Loogu Talagalay Ee Aan Jabinin Laydhkii Loogu Talagalay Bulshada Masaakiinta, Waxaana Xusid Mudan in Lacagtii Adkayd Ee lagu caawiyay somaliland ay Jeebka ugu dhacday ganacsato shirkado gaar ah leh, Oo waliba ganacsatada qudheeda Saamileyda Shirkadu aanay waxba ka faa,idin ee ay saamiley Cusubi sheegatay lacagta mucaawinada ahayd ee dhamayd ee World Banku Bixiyay Ee milyaneska  dollar ahayd, 


sidoo Kale Waxba kama duwana Lacagtii Maalgalinta Ee Berbera lagu maalgaliyay ee ilaa maanta ay Berberi bilaa laydhka ka tahay,


Sidoo Kale waxba kama duwana lacagta ceergaabo lagu maalgaliayay ee ganacsatada gacanta ugu jirta bulshadaana aanay wax faa,iido ah aanay ku qabin


Sidaas darteed xalka kaliya ee aan u arkayay waxay ahayd intaan lacagata aanay xukuumadu kula ordin ganacstadan manaxayaasha ah inay xukuumadu la timaado qorshe cad oo ay ku maamulayso tayaynta iyo xadhka miinaysan ee magaalooyinka somaliland khatarta ku ah oo maalinwalba qorshe xumo iyo farsamo xumo ku galaafta naf iyo maalba,


Ugu danbayn waxaan aaminsanahay in laydh jaban aanay bulshadu helaynin ilaa la kala xadeeyo sifhii sharciga ahaa ee kala ilaalinayay bulshada iyo shirkadaha islamarkaana xukuumadu ay kaalinteedii qaadanayso, waxaana cad in lacagata loo loogay dad shacab ah oo xukuumadii loogu talagalay inay ku maamushaa aanay door muiqda marnaba ku yeelan lacagatan adag ee bulshadan masaakiinta ah ee reer somaliland marwalba lagu soo caawinayo balse ay ka aradan yihiin oo waliba barbarina ay ka sii xagjirto oo ay uga nugushahay magaalooyinka kale dab la,aanta oo aanay adkaysi u lahayn.


Mudane madaxwayne intaanad lacagta kuwareejin dadakaas shacbka ah ee shirkadahan ku qadhaabsada, xilkaad umada ugu dhaaratay uga faa,iidee oo yaanay kaa noqon i arkaay imaqlaaay ee wax halagaa dhaxlo oo cashar kabaro kuwii kaa horeeyay ee 20ka milyan kuwareejiyay shiradaha gaar loo leeyahay inay bilshadu gacmo madhan ay ka joogaan, lacagtoodiina ay dad shacab ahi ku takrifashay, iswaydii halkey ku danbeeyeen maal galinihii hore ? maxaase ka khaldanaa ee ay tahay inaad saxdo iswaydii? Oo yaan maqas lagula hor ordin uun.


Allaw Aqoon La,aan Haygu Cadaabin Eexna haygaga Tagin Aamiin Aamiin.


Garyaqaan Yuusuf Biixi Talo-same 

#legaladvice