Hargeysa – Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay muwaadinad Asma Maxamed Cabdi oo muddo waxbarasho u joogtay dalka Turkiga.
Asma ayaa sheegtay in tacaddi badan loogu gaystay gudaha dalka Turkiga oo ay waxbarasho u joogtay, iyadoo sheegtay inay muddo xidhnayd ka dibna loo soo tarxiilay magaalada Muqdisho, taasoo ah fal aan la aqbali Karin.
Agaasimaha guud ayaa muujiyey sida ay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland uga xun tahay wixii ku dhacay muwaadinadda, isaga oo adkeeyey in wasaaraddu ay si dhow ula socon doonto dhacdadan, isla markaana ay ka gudan doonto waajibaadkeeda ku aaddan, isagoo tilmaamay inay wasaaradda ka go’antahay ilaalinta iyo ka war qabka muwaadiniinta jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan dibedda, meel kasta oo ay joogaan.