Somaliland waxa ay ku jirtay halganka aqoonsi-raadinta muddo 35 sannadood ah, taas oo ahayd, welina ah, himilada ugu weyn ee Qarankani leeyahay.
Tobaneeyo Wasiir ayaa soo maray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, kuwaas oo mid waliba hayaanka aqoonsi-raadinta meel soo gaadhsiiyey.
Geeddi-socodkaas oo ahaa qori isu dhiib, waxa sidoo kale iska soo nasiyay lix Madaxweyne, oo mid kastaa xilligiisii garaacay albaabbo innaga xidhnaa.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa nasiib u helay inuu noqdo “Madaxweynihii ictiraafka ku guulaystay”, welina juhdi adag ugu jira sidii uu u kasban lahaa dalal kale oo inoo sii xoojiya aqoonsiga taariikhiga ah ee ay ina siisay Dawladda Israel.
Madaxweyne Cirro waxa uu qaatay istiraatiijiyad xilligan ka shaqaynaysa saaxadda caalamka, taas oo ah “aan wax wada qabsanno”. Waxa uu fagaare kasta ka caddeeyaa in Somaliland aanay yabooh doon ahayn, balse ay doorbidayso wax is-dhaafsi iyo masaalix wadaag.
Fikirkaas Madaxweynuhu waa jid maangal ah, maadaama Somaliland, marka la eego goobta ay ku taallo iyo xuddunta istiraatiijiga ah ee ay kaga jirto gobolka, ay soo jiidan karto quwadaha waaweyn ee reer Galbeedka, kuwaas oo xilligan ku baraarugayay is-ballaarinta Shiinaha iyo Turkiga ee Geeska Afrika.
Waxa xusid mudan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, inuu yahay “Wasiirkii Aqoonsiga” ee nasiibka u helay inuu ku suntamo taariikhdaas. Taasi waxa ay ka dhigaysaa qofka labaad ee Madaxweynaha la wadaagi kara magaca iyo maamuuskaas.
In badan kor looma sheego in Wasiir Cabdiraxmaan iyo diblomaasiyiinta la shaqeeyaa ay caawiyeyaal ka ahaayeen goolkaas quruxda badan ee isla markaana loo jeellanaa, kaas oo Madaxweynuhu dhaliyey 26-kii December 2025kii, xilli cadowga Somaliland uu derbiyada jiidhay.
Sidoo kale, waxa ammaan mudan Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Danjire Bashiir Good, oo isna ka soo jeeda Gobolka Awdal. Dedaalkiisu waxa uu ka dhigay danjiraha koowaad ee ugu cadcad diblomaasiyiinteenna dibadda, isaga oo kaalin wax-ku-ool ah ka qaadanaya ka midho-dhalinta masaalixda dalkiisa.
Waxaan bogaadinayaa Wasiirka Khaarajiga iyo Danjire Good, oo Qaddiyadda aqoonsi-raadinta ka ciyaaraya baallasha Madaxweynaha, una soo tuuraya baasaska goolasha laga filayo.
Arrintani waxa ay i xasuusisay Maxamed Mixille Boqore, oo reer Awdal ahaa, kana mid ahaa ragga Qaranka u soo shaqeeyey, xilal kala duwanna u soo qabtay, Alle ha u naxariistee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar u magacaabay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda.
Maalin uu xaflad ka hadlayay ayuu Mr. Boqore yidhi: “Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland way helaysaa, waxa se ku guulaysan doona reer Awdal oo ictiraafka innoogu horreeya keeni doona.”
Hadalkaas Ilaahay wuu u aqbalay Maxamed Mixille Boqore. Waxaa magac iyo milgo gaar ah u ah shacabka sharafta leh ee reer Awdal in nasiib wanaaggooda aan Laga dafiri karin gogoshii Shirweynihii Labaad ee Beelaha Somaliland ku yeesheen Boorama 1993-kii, taas oo ay taabogashay islamarkaana shaqaysay, xukuumaddii lagu soo dhisay Boorame ee uu hoggaaminayay, Alle ha u naxariistee, Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal.
Taasina waa mid muujinaysa burjiga iyo kaalinta ay reer Awdal ku leeyihiin qarannimada Somaliland.
Ugu dambayn, waxaan bogaadinayaa Wasiir Cabdiraxmaan iyo Danjire Good, oo ah masuuliyiin aan faanka aqoon, balse ay daruuri noqotay inaan tilmaamo kaalintooda togan iyo dedaalkooda ku wajahan Qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Cumar Maxamed Faarax