Hargeysa, Somaliland — Dalladda Ururrada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Umbrella ayaa maanta ka qayb gashay The Third East Africa City Corridor Dialogue, oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana ay martigelisay Dowladda Hoose ee Hargeysa.
Madashan oo halku-dheggeedu yahay “From Dialogue to Delivery: Placing Growth, Investment-Ready Cities and Jobs for Women and Youth”, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-hadallada iyo qorshayaasha horumarineed loogu beddeli lahaa waxqabad iyo natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada koboca dhaqaalaha, maalgashiga magaalooyinka, shaqo-abuurka, iyo fursadaha dhaqaale ee haweenka iyo dhallinyarada.
SONYO Umbrella waxaa madasha ku matalay Guddoomiyaha Dalladda, Mudane Mustafe Dayib Abdillahi, isaga oo qayb ka ahaa doodaha iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan kaalinta ay magaalooyinka iyo hay’adaha kala duwani ka qaadan karaan abuurista jawi taageera maalgashiga, hal-abuurka, ganacsiga iyo shaqooyinka mustaqbalka.
Ka-qaybgalka SONYO ee madashani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dalladdu ugu jirto sidii codka iyo mudnaanta dhallinyarada Somaliland loogu dari lahaa doodaha iyo qorshayaasha waaweyn ee la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha, magaalooyinka iyo shaqo-abuurka.
SONYO waxay aaminsan tahay in koboca magaalooyinka iyo maalgashiga dhaqaale ay tahay inay si toos ah ugu tarjummaan fursado shaqo, xirfado, ganacsi iyo nolol-maalmeed waara oo ay helaan dhallinyaradu, gaar ahaan iyadoo dhallinyaradu yihiin qaybta ugu muhiimsan ee mustaqbalka horumarineed ee Somaliland.
Sidoo kale, SONYO waxay muhiimad gaar ah siinaysaa in dhallinyarada iyo haweenku aanay noqon oo keliya ka-faa’iidaystayaasha qorshayaasha horumarinta, balse ay noqdaan saaxiibbo iyo door muhiim ah ku leh qorshaynta, go’aan-qaadashada, hal-abuurka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
Madashu waxay sidoo kale muhiim u tahay isku xidhka maamulka magaalooyinka, hay’adaha horumarinta, ganacsiga, bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada, si loo dhiso iskaashi horseedi kara maalgashi iyo shaqo-abuur dhab ah.
SONYO Umbrella waxay si gaar ah u adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo:
Shaqo-abuurka iyo kobcinta fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada;
Horumarinta xirfadaha la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada;
Taageeridda hal-abuurka iyo ganacsiyada ay dhallinyaradu hoggaamiyaan;
Ballaarinta fursadaha digital-ka, remote work-ka iyo dhaqaalaha casriga ah;
Xoojinta ka-qaybgalka haweenka iyo hablaha da'da yar ee fursadaha dhaqaale;
Abuurista magaalooyin soo jiidan kara maalgashi, ganacsi iyo shaqooyin waara; iyo
In dhallinyarada si macno leh loogu daro qorshaynta iyo go'aan-qaadashada horumarinta magaalooyinka.
SONYO Umbrella waxay bogaadinaysaa Dowladda Hoose ee Hargeysa martigelinta madashan iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga ku saabsan mustaqbalka magaalooyinka, maalgashiga iyo shaqo-abuurka.
Dalladdu waxay sii wadi doontaa inay la shaqayso Dowladda, dawladaha hoose, hay’adaha caalamiga ah, bah-wadaagta horumarinta, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada si loo abuuro fursado wax-ku-ool ah oo gaadha dhallinyarada Somaliland.
SONYO waxay aaminsan tahay in marka magaalooyinku kobcayaan, kobocaasi uu macno dhab ah yeelanayo marka uu abuuro fursado, shaqooyin iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dhallinyarada iyo haweenku.
SONYO UMBRELLA
Dalladda Ururrada Dhallinyarada Heer Qaran ee Somaliland.