Hargeysa – Wasiirka Warfaafinta JSL, ahna afhayeenka xukuumadda ayaa ku tilmaamay safarkaas mid hurinaya colaad sidoo kalena xadgudub ku ah madaxbanaanida dhuleed iyo jiritaanka Somaliland. War-saxaafadeedka wasiirku soo saarey ayaa u dhignaa sidan.


WAR-SAXAAFADEED


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa socdaalka daandaansiga ah ee ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, ku yimid qeybo ka mid ah bariga gobolka Sool


Tallaabadani waxay hordhac u tahay hurin colaadeed iyo muran siyaasadeed oo aan geedna loogu soo gabban, waana ku xad gudub madax-bannaanida dhuleed iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waa ficil sii hurinaya colaadda, khalkhal gelinayana amniga iyo xasilloonida gobolka.


Xukuumadda JSL wax ay si cad u sheegaysaa in falalkan masuuliyad-darrada ahi iyo socdaalladan aan micnaha ku fadhiyin aanay waxba ku soo kordhinayn nabadda gobolka, balse ay si toos ah u wiiqayaan dadaallada dunidu ku doonayso xasillooni waarta iyo nabadgelyo gobolka ka hanaqaadda.


Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada caalamka inay si cad uga soo horjeeddo tallaabooyinkan kicinta ah, isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan inay ka waantoowdo falalka sii hurinaya xiisadaha gobolka.


Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale xaqiijinaysaa inay weligeed u taagan tahay nabad, xasillooni iyo wada-noolaansho iyo wada-jir ku dhisan is-ixtiraam. hase yeeshee, xukumadda Somaliland waxay si buuxda u adeegsan doontaa dhammaan tallaabooyinka sharci iyo qaranimo ee lagama maarmaanka u ah difaaca madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo midnimada dhulkeeda.


— DHAMMAAD