Siyaasi Maxamed Kaahin, oo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey saxaafada ayaa kaga hadlay muhiimadda Cashuurta GST (Goods and Services Tax) ee dhawaan ay ku dhawaaqday xukuumaddu. Waxa uu sheegay in cashuurtani aanay ku koobnayn Somaliland oo keliya, balse ay tahay nidaam canshuureed oo laga hirgeliyey dalal badan oo adduunka ah, isla markaana door muhiim ah ka qaata kobcinta dakhliga dowladda iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.
Qoraalka Siyaasi Maxamed Kaahin waxa uu u dhignaa sidan:
Maalmihii u dambeeyey waxaa si weyn looga hadlayey hirgelinta Cashuurta Qiimaha lagu Daro (VAT – Value Added Tax) ama GST ee Somaliland.
GST waa canshuur laga qaado qiimaha lagu daro alaabta iyo adeegyada marxalad kasta oo wax-soo-saar ama qaybinta ah. Ganacsiyadu ayaa ururiya, hase yeeshee qofka ugu dambayn bixiya waa macaamilka ugu dambeeya.
Ujeeddada ugu weyn ee cashuurtani waa in dowladda looga soo saaro dakhli canshuureed oo lagu maalgeliyo adeegyada iyo hawlaha qaranka.
Habka ay u shaqayso ayaa ah in ganacsiyadu VAT ka qaadaan macaamiisha marka alaab ama adeeg la iibinayo, kadibna ay dowladda u gudbiyaan. Sidoo kale, waxay ka jari karaan VAT-ta ay hore ugu bixiyeen wax-iibsiyadooda. Sidaas darteed, canshuurtani waxay ka socotaa dhammaan silsiladda sahayda, laga bilaabo wax-soo-saarka ilaa tafaariiqda.
Heerka VAT-tu wuu ku kala duwan yahay dalalka adduunka, waxaana sidoo kale ku kala duwanaan kara noocyada kala duwan ee alaabaha iyo adeegyada.
Inkasta oo ganacsiyadu yihiin kuwa ururiya oo maamula cashuurtan, haddana culayska ugu dambeeya waxa uu ku dhacaa macaamilka, maadaama lagu daro qiimaha uu bixiyo.
Nidaamkan waxaa loogu talagalay inuu noqdo mid hufan, isla markaana yareeya culayska canshuur ururinta ee ganacsiyada, iyadoo la hubinayo in dowladdu hesho dakhli canshuureed oo ku filan.
Cashuurtani ma aha mid Somaliland oo keliya ka jirta, balse waa nidaam canshuureed oo laga hirgeliyey dalal badan oo adduunka ah, waana mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dakhliga ay dowladuhu ku tiirsan yihiin.
Qaran ma gaadhi karo horumar waara ilaa ay dadkiisu noqdaan cashuur-bixiyeyaal wanaagsan, isla markaana ay xukuumaddu si hufan ugu adeegto bulshada iyadoo adeegsanaysa dakhliga cashuuraha laga ururiyey.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada inay si dhow ula shaqeeyaan xukuumadda, isla markaana gacan ka geystaan ururinta cashuuraha qaranka, si aynu u helno adeegyada aasaasiga ah ee aynu wada baahannahay, sida caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah horumarka dalka.
Tack För Mig.
Siyaasi Maxamed Kaahin