Hargeysa – Jaamacadda Hargeysa ayaa soo gebagebaysay tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Qaxoontiga, kaas oo loo qabtay 100 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.


Tababarka, oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Hargeysa iyo UNHCR, ayaa lagu xoojiyey aqoonta ciidamada ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, sharciga qaxoontiga iyo hababka saxda ah ee loola dhaqmo dadka la xidho, si waafaqsan shuruucda qaranka iyo heerarka caalamiga ah.


Munaasabadda xidhitaanka waxaa si wadajir ah u soo xidhay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Hargeysa, Dr. Fu'aad Cabdi Obsiiye. 


Labada masuul ayaa adkeeyey muhiimadda tababarradan iyo sii wadista iskaashiga lagu horumarinayo xirfadaha iyo adeegga Ciidanka Booliska JSL.