Hargeysa- Guddoomiyaha Golaha Agaasinka ee Maamulka Dekedaha iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Somaliland, Maxamed Cabdilariin Cumar (Marshall), ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership – PPP) si loo dardargeliyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, warshadaynta iyo koboca dhaqaalaha Somaliland.
Isagoo ka hadlayay madal qaran oo looga hadlayay maalgashiga iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, ayuu sheegay in Somaliland ay tahay inay ka gudubto hadallada oo ay fursadaha maalgashi u beddesho mashaariic waaweyn oo abuura shaqooyin iyo koboc dhaqaale.
Marshall ayaa tusaale u soo qaatay mashruuca casriyeynta Dekedda Berbera ee ay wada fulinayaan Somaliland iyo DP World, isagoo sheegay in guushaasi ay ku timid go'aan lagu doortay iskaashi iyo maalgashi halkii laga sugi lahaa gargaar dibadeed.
Waxa uu ku baaqay in nidaamka PPP lagu balaadhiyo Waddada Ganacsiga Berbera (Berbera Corridor), Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (Special Economic Zone), dekedaha qalalan (Dry Ports), jardiinooyinka warshadaha (Industrial Parks), xarumaha saadka (Logistics) iyo kaabeyaasha tamarta, si Somaliland u noqoto xarun ganacsi iyo saadka oo hormuud ka ah Geeska Afrika.
Sidoo kale, wuxuu tusaale u soo qaatay dalalka Itoobiya iyo Kenya, isagoo sheegay in maalgashiga ballaadhan ee kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay uu horseeday koboc dhaqaale, warshado cusub iyo shaqo-abuur.
"Aynu ka gudubno doodaha oo aynu fursadaha u beddelno mashaariic. Mashaariicdana aynu u beddelno warshado, si warshaduhuna u horseedaan koboc dhaqaale oo waara," ayuu yidhi Guddoomiye Marshall.