Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qoraaga buugga Dowlad-dhiska Somaliland (Somaliland State Building) Dr. Axmed Maxamuud (Barawaani).


Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyey qoraaga dedaalka, wakhtiga iyo juhdiga uu geliyey diyaarinta buuggan, isaga oo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay kobcinta aqoonta iyo fahamka dowlad-dhiska Somaliland.


Sidoo kale nuqul ka mid ah buugga ayaa la dhigay Maktabadda Maxkamadda Sare ee JSL  si ay uga faa'iidaystaan cid kasta oo danaynaysa aqoonta ku duugan buugga.