Hargeysa – Fadhigii 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa lagaga wada hadlay qodobbada soo socda: 


𝟏. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐣𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:


Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Muhiimadda Istaraatiijiga ah ee Xeerka Maxjarrada Dalka, iyaga oo adkeeyey doorka uu ku leeyahay ilaalinta Caafimaadka iyo Fayo-qabka Xoolaha, tayaynta nidaamka dhoofka xoolaha, u hoggaansanaanta Halbeegyada Caafimaadka ee Caalamiga ah, iyo xoojinta sumcadda xoolaha Somaliland ee suuqyada caalamka. 


Goluhu waxa uu xusay in Xeerkani uu laf-dhabar u yahay kobcinta dhaqaalaha Qaranka iyo joogtaynta kalsoonida ay suuqyada caalamku ay ku qabaan xoolaha Somaliland. 


Dood dheer kaddib, Golaha Wasiirradu waxa ay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen Xeerka Maxjarrada Dalka, iyada oo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay.


𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in amniga dalku uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasillooni darro ah oo ka jirta gobollada dalka. Waxa uu xusay in Hay'adaha Amnigu sii wadaan dedaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Qaranka JSL. 


𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐞𝐞𝐝𝐚:


Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey habraacyada cusub ee ay Wasaarradiisu dejisay ee lagu nidaaminayo adeegsiga Summadda Aqoonsiga Gaadiidka Dawladda (GT), isaga oo xusay in aan la oggolayn in Gaadiidka laga furo Summadda Aqoonsiga (plate number) uu baabuur kasta gaarka u leeyahay, laguna xidho Sumadda ay leeyihiin Gaadiidka Shicibku (private plate number). 


Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Habraacyadan ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo amniga iyo bedqabka Gaadiidka Dawladda, korna loo qaado hufnaanta adeegsiga Gaadiidka Dawladda, si loo xaqiijiyo in Gaadiidka Dawladda si masuuliyad leh loogu adeegsado gudashada waajibaadka Qaranka, maadaama uu yahay hanti Qaran oo u baahan ilaalin iyo maamul sugan. 


𝟒. 𝐆𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟔𝟗-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚:


Gabagabadii fadhiga 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu adkeeyey in nabadda, wadajirka iyo midnimada Qaranku ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumadda. 


Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobolka Sool uu yahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna ay yihiin walaalo reer Somaliland ah, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana lagu xalliyo wada hadal, is-afgarad, walaaltinimo iyo isku duubni Qaran.


𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 


𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 


𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝