Golaha Baarlamaanka Turkiga (TBMM) ayaa ansixiyey mooshin lagu kordhinayo muddada ciidamada Turkigu ka joogayaan Soomaaliya laba sano oo dheeraad ah, laga bilaabo 22 july 2026.
Inkasta oo mooshinka lagu meel mariyey cod aqlabiyad ah, haddana dood adag ayaa ka dhalatay Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannadu ay muujiyeen walaac ku saabsan saamaynta uu hawlgalku ku yeelan karo amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika.
Qaar ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa dalbaday in dowladda Turkigu caddeyso tirada ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya, kharashka howlgalka iyo waxa Turkigu ka faa'iidayo joogitaankiisa Soomaaliya.
Intii dooddu socotay, xildhibaan Namık Tan ayaa si gaar ah uga digay in Turkigu uu ku milmo xiisadaha gobolka, isagoo xusay khilaafaadka u dhexeeya Soomaaliya, Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana sheegay in Turkigu uu tababari karo ciidamada Soomaaliya balse aanu noqon dhinac ku lug yeesha iska horimaad kasta oo gobolka ka dhaca.
Sidoo kale, doodaha Baarlamaanka waxaa lagu sheegay in marka howlgalka ATMIS uu dhammaado dabayaaqada 2026 ay Soomaaliya wajihi doonto caqabado amni, taas oo dhalisay dood ku saabsan doorka mustaqbalka ee ciidamada Turkiga.
Mooshinka dowladda Turkiga wuxuu sheegay in ciidamada Turkigu ka hawlgeli doonaan dhulka iyo biyaha Soomaaliya si ay uga taageeraan la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo tahriibka, iyadoo goobaha hawlgalkana lagu go'aamin doono heshiis ay wada gaadhaan labada dal.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in tallaabadan ay muujinayso in Turkigu sii xoojinayo doorkiisa istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo isbeddello amni iyo siyaasadeed oo waaweyn.
xogahan qaybo ka mid ah waxaa lagu xusay qoraal Baarlamaanka Turkiga ka soo baxay , sidoo kale warbaahinta caalamka ayaa hadal haysay qorshaha laga yaabo in turkey ka damacsan yahay Geeska Afrika.
Mohamed Abdi Jama