Halka dunidiina la dagaalamayso hoos u dhiga sixir maciishada oo kor u kacay, oo ay dowladaha dunidu dhamaantood waxay ku hawlanyihiin waqtigan sidii ay shacabkoodu u heli lahaayeen alaabo jaban oo sixirkan qaaliga noqday looga jabin lahaa iyada oo ay qaarkod cashurtii hore ee laga qaadi jiray Shidaalka iyo waxyaabaha daruuriyaadka ah ay dhimeen ,halka qaarna ay dowladu dalbatay oo ay soo iibsatay waxyaabihii daruuriga ahaa si ay qiimo jaban u siiyaan.


Dariiqa ay doonaaba ha u maraan eh dowladaha dunidu waxay waqti xaadirkan la dagaalamayaan sidii uu shacabkoodu u heli lahaa cunto iyo alaabo jaban ,waayo dagaalada ka socda bariga dhexe waxay sababeen in ay dhamaan alaaabihii dunida lakala iibsan jiray ay kaceen oo ay soo gaadheen iin ay bulshada dunida ku noqoto culays inay iibsan kari waayaan taasi oo sababtay in ay dowladihii dunidu ay ka shaqeeyan sidi hoos loogu dhigi lahaa waana waaqica dhabta ah ee dunida ka jira maanta .

Ma jirto maanta dunida dowlad waqti lala tacaalayo sidii maciishada iyo alaabaha ganacsiga sida daruuriyaadka qiimahooda hoos loogu dhigo ka shaqaynaysa mooyee , dowlad cashuur cusub hala qaado odhan kartaa gabi ahaanba ?.


Dastuurka qaran Jsl wuxu waajib ka dhigayaa in ay cashuurta loo eego duruufaha iyo xaaladaha waqtigaaas jira waana in ay cashurtu noqotaa mid aan culays ku ahayn bulshada oo la bixin karo, 


Dowladan Somaliland may eegin duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira iyo heerka dhaqaals ee shacabka ay xukumaan taaganyihiin ? Ismanay waydiin dadku ma bixin karayaan oo macquul ma tahay midna ?


Sidii dowladu may eegin xaaladaha kor u kaca sixirka maciishada dunida oo dhan kor u kacay in uu sababay in iskadaa somaliland eh in wadamada horumaray ay shacabkoodii ay dhibaayo ku noqotay sixir alaabaha dunida ee kor u kacay oo ay sababtay in ay dad badani iibsan kari waayaan oskada cashuur lagu kordhiyo eh.

Qiimayn la'aanta xaaladaha iyo duruufaha nololeed ee ay sababeen dagaalada bariga dhexe waa mid masuuliyad daro muujinaysa oo dowlada ka dhigaysa mid aan waaqica la socon waayo waqti aan  cashiur kordhin iyo cashur hirgalin midna aan la soo hadal qaadi karin oo ay dowladihii dunidu hoos u dhigista sixirka cuntada iyo alaabaha kale ee nolosha muhiimka u ah ka shaqaynayaan oo ay  cashuurihiii hore ee la qaadi jiray la dhimay si sixirka loo jabiyo ayey dowladeenu cashiur cusub rabtaa inay fuliso taasi macnaheedu muxuu noqonayaa ?


Waxaan leeyahay Xukumada cashuurta waa in ay noqoto mid waaqica ku salaysan oo sharci ah ,dastuurkuna wuxuu waajib ka dhigayaa in ay cashuurto noqoto mid nolosha dadka ku salaysan oo la bixin karo ,culaysna aan ku ahayn , waqtiganina maaha waqtigii aad cashuur dadka ku soo rogi lahaydeen، laakin waa waqtigii aad ka shaqayn lahaydeen sidii ay shacabka reer somaliland u heli lahaayeen cunto iyo alaabo jaban laakiin maaha waqtigii cashuur cusub la soo rogi lahaa ?

Tani waxay noqonaysaa in aanay dowlasu waaqica dhabta iyo xaaladaha dunidaba la socon ? Balse ay baahidooda uun ka hadlayaan kaliya ?


By Mohamed Mohamoud Hashi