Hargeysa – Agaasimaaha guud ee wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxa uu sheegay in ay waxbadan ka qabteen arinta E-visa isla markaana ay Somaliland dadaal ugu jirto sidii inta hadhay u soo afjari lahayd.


Waxa uu yidhi “illaa imika wax badan ayaa laga qabtay dhamaan shacabka arinta E-visa, Somaliland, dawladda iyo saaxiibada caalamka dadaal wayn ayaanu wadnaa oo caqabada iyo jidgooyada reer Somaliland loogu talogalay in lagu Cunaqabateeyo aanu kaga hortagayno.


Agaasimaha ayaa intaasi ku darayn ay jiraan waxyaabo badan oo la doonayey in shacabka Somaliland lagu dhibaateeyo isla markaana shacabka iyo dowladda oo is kaashanayaa ay si wada jir ah  iskaga dhiciyeen, waxa uu carabka ku adkeeyey in arin ta E-vasa aanay kuwaasi waxba kaga duwanayn.