Shir saacado qaatay oo dhexmaray ganacsatada Somaliland iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda JSL, ayaa la iskula qaatey in dib loo dhigo markale hirgalinta cashuurta iibka ee GST ee si rasmi ah loo fulinayay 11.07.2026 oo ku beegnayd Sabtida todobaadka danbe.


Wasiirka Maaliyadda JSL, Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in suuqa la galiyey war aan ahayn kii dowladda iyo ganacsatadu hore iskula garteen, sidoo kalena ay tixgaliyeen talooyinka iyo codsiga ay xukuumadda usoo gudbiyeen guddiga ganacsatada JSL. 


"Annaga oo tixgalinayna talooyinkii ay soo jeediyeen guddiga ganacsatadu, waxa ay wasaaradda kala kulmeen oo ay ugu yimaadeen wixii suuqa la galiyey mid ka duwan wayna nala qaateen, taas waxay keentay inay qasab noqoto inaan helno wakhti dib loogu dhigo oo arrintaas lagaga shaqeeyo. Ganacsatadu waa dadkii dalkan soo dhisay mana aha kuwo kasoo horjeeda dawladnimada iyo qaranimada ee waa kuwo dhisaya. Sidaas daraadeed waxaan ku shaqaynaa dareenka shacabka iyo ganacsatada waxaana aan qaadanay oo aan aqbalay in muddo dib loo dhigo hirgalintii cashuurta GST ilaa 1.08.2026, si wixii farsamo ah looga wada shaqeeyo" Wasiirka Maaliyadda JSL, ayaa sida ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hargeysa.


Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada JSL, Jamaal Caydiid, ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay ka codsadeen in dib loo dhigo hirgalinta cashuurta iibka ee GST, taas oo qorshuhu ahaa in Sabtida todobaadka danbe la hirgaliyo. 


Guddoomiyaha ayaa caddeeyey in suuqa ay galeen warar aan sax ahayn, sidaas awgeedna cashuurtan la hirgalin doono 1.08.2026, mudadaas dib loo dhigayna lagu dhamaystiri doono hawlaha farsamo ee hadhsan. 


"Falaqayn iyo dood dheer oo dhinac walb wax la iska tusay waxa aan isla garanay in cashuurtii iibksa ee GST, halkii ay markii hore taagnayd ay hoos uga soo degtay in badan, sidii ay ku saxmaysayna la isla qaatey. Waxaan xukuumaddayda sharafta badan ka codsanay in ay dib u dhigto hawshii GST ee ay fulin lahayd Sabtida 11.07.205,waxaana aan dib u dhiganay ilaa 1 Ogosto." Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Jamaal Caydiid.