Xabaal wadareed loo qodayey 12 qof oo ku geeriyooday shil saaka ka dhacay deegaanka Qabri-bayax ee DDS ayaa xabaal wadareedii waxa ay ku duntay qaar ka mid ah dadkii qodayey taasi oo noqotay masiiba kale oo bulshada gelisay argagax.
Wararka hadda la helayo ee ka soo baxaya halkaasi ayaa sheegaya in dadka ku naf waayey xabaasha duntay ay tiradoodu gaadhayso 3 qof taasi oo masiibada naf waaga ee ka dhacay Qabri-bayax marka lagu daro 12 saaka Shilka ku dhintay ka dhigaysa 15 qof, waxa jira dhaawacyo gaadhaya sida la sheegay ilaa 10 qof kuwaasi oo qabo dhaawacyo kala duwan.
Muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya goobta xabaasha laga qodayey oo ahayd mid aad u wayn taasi oo dadku sheegayaan inay tahay sababta keentay dumista xabaasha.Weli waxa socda gurmadka lagu baadi goobaya inay weli jiraan dad Xabaasha duntay ku hoos jira.