Warbaahinta Horn Lens ayaa soo bandhigtay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay diirradda saartay sababta ay Berbera uga soo dhex muuqanayso tartanka cusub ee caalamiga ah ee la xidhiidha hawada sare, dhaqaalaha dayax-gacmeedyada iyo kaabayaasha istaraatiijiga ah. Sidoo kale warbixintu waxay iftiimisay sida Somaliland ay uga qayb qaadan karto isbeddellada waaweyn ee dunida ka socda iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaha ay haysato ee dhinacyada juqraafiyadda, kaabayaasha iyo xasilloonida.

 

Warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in Berbera ay leedahay astaamo juqraafi iyo kaabayaal muhiim ah oo la xidhiidha fursadaha dhinaca hawlgallada hawada sare ah, gaar ahaan faa’iidada dhul-badhaha ee goobta ay ku taallo. Sida lagu sheegay warbixinta wareegga dhulka ee Somaliland ayaa gantaallada siin kara xawaare dheeraad ah, taas oo ka caawinaysaa yareynta tamarta loo baahan yahay iyo kordhinta awoodda qaadista dayax-gacmeedyada.

 

Warbixintu waxay si qoto dheer u sharaxday taariikhda iyo istaraatiijiyadda Dekedda Berbera, goobta ay ku taallo, iyo doorkeeda kaabayaasha dhaqaaluhu ay noqon karaan fursad ay Somaliland kaga qayb qaadan karto kobaca dhaqaalaha cusub ee hawada sare. “Dunidu waxay gashay xilli cusub oo ay muhiimad weyn yeesheen hawl-gallada hawada sare, dayax-gacmeedyada iyo tiknoolajiyada casriga ah. Dalal iyo shirkado caalami ah ayaa raadinaya goobo ku habboon oo laga diro gantaallada, halka Berbera ay noqotay meel soo jiidanaysa indhaha caalamka sababo la xidhiidha goobteeda istaraatiijiga ah,” ayay tidhi warbixintu.

 

Waxa kale oo lagu xusay in Berbera ay ku taallo dhul-badhaha waqooyi qiyaastii 10, taas oo siinaysa faa’iido juqraafiyeed marka laga hadlayo hawlgallada gantaallada. Iyada oo ka faa’iidaysanaysa uu dhawaanshaha dhul-badhaha ee wareegga dabiiciga ah ee dhulka, taas ayax-gameedka iyo gantaalada siin karta xawaare dheeraad ah. Isla markaana ay faa’iidadani ka caawiso dhimista kharashka iyo kordhinta awoodda ay qaadi karaan. “Sababahaas dartood Berbera waxay noqotay meel ka mid ah goobaha laga eegayo fursadaha mustaqbalka ee isku dhafka ganacsiga, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha hawada sare.”