Golaha Guurtida Somaliland oo maalinta Axada ah la isugu yeedhay Kal-fadhi aan Caadi ahayn.


Xoghayaha golaha Guurtida Somaliland, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mudanayaasha golaha guurtida ku wargeliyay inay ka soo xaadiraan kal-fadhi aan caadi ahayn maalinta Axada ah.


Xoghayaha ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan uu Istiqaalada dhiibi doono, kuna soo celin doono golaha xilkii gudoomiyaha.


Xoghaye Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mudanayaash ku adkeeyay inay ka soo qayb galaan kal-fadhigaasi aan caadiga ahayn ee gudoomiyuhu xilka isaga casilayo.