Hargeysa – Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Univesity, Mudane Xuseen Cabdillahi Maxamuud ayaa hambalyada iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan ardayda sanadkan 2025/2026 ku guulaysatay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare iyo Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Qoraalkan hoose bartiisa Facebook u kusoo qoray ayaa u dhigna sidan : -


𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐔𝐂𝐎


“Waalidkasta waxaa farxad u ah guusha uu gaadho ilmihiisu, macalin kastana waxaa farxad aan lasoo koobi karin u ah guusha waxbarasho iyo ta nololeed ee uu gaadho ardaygiisu! 


Maamulka Jaamacadda Admas, saraakiisha kala duwan, macalimiinta iyo shaqaale waynaha Jaamacaddu wuxuu hambalyo aan lasoo koobi karin u dirayaa dhammaan ardayda sanadkan 2025/2026 ku guulaysatay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare iyo Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland. 


Dhanka kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan waalidiinta, macalimiinta iyo maamulka mudadaas dheer usoo dhabar adaygay guusha ay ubadkoodu maanta gaadheen. 


Jaamacadda Admas waxaa farxad wayn u ah iyadoo u dabaal-degaysay sanad guuradeedii labaad (𝟐𝟎𝐭𝐡 𝐀𝐧𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐚𝐫𝐲) inay soo dhawaynayso dufcaddii 21aad ee kusoo biiri doonta Jaamacadda, kuwaas oo ka mid noqon doona qoys ballaadhan oo Reer Admas ah oo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey kasoo qalin-jabinayey Jaamacadda. 


Ugu dambayn, dhammaan ardayda waxaan ugu ducaynayaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kalena kuwii guulaysta aakhiro iyo adduunba”


𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐞𝐞𝐝 𝐑𝐀𝐁𝐁𝐈 𝐖𝐚𝐲𝐧𝐞 𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐮 𝐬𝐮𝐠𝐧𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲!