Hargeysa – Jaamacadda Hargeysa ayaa dib-u-casriyeyn ku samaysay mashruucyada qalin-jabinta ardayda, iyadoo u beddeshay cilmi-baadhis ku salaysan Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III).
Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Horumarinta Jaamacadda Hargeysa, Dr. Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed, ayaa sheegay in horumarku ku dhisan yahay cilmi-baadhis, isaga oo bogaadiyey ardayda soo bandhigaysa mashaariicda aqooneed ee xalalka wax-ku-oolka ah u noqon kara bulshada iyo dalka.
Waxaanu yidhi.“Jaamacad ahaan waxaanu dib u casriyeyn ku sameynayna mashruuci Qalijbinta ardayda, anaga oo u bedelay cilmi-baadhis, ku saleysan qorshaha horumarinta Qaranka, horumarku waxa u uku dhisan yahay cilmibaadhis, waxaanan ku boggaadinaya ardayda maanta soo bandhigeysa, mashbaariicdooda, kuwaas oo fursad u helay in shaqadii ay qabteen ay gaadhay bulshada iyo guud ahaan dalka oo dhan,”
Ardayda Jaamacada Hargeysa oo soo bandhigey 52 Mashruuc oo Cilmi-baadhisa
Maalintii labaad ee Toddobaadka Cilmi-baadhista Jaamacadda Hargeysa 2026, ardayda Kulliyadda Injineernimada iyo Kombiyuutarka ayaa soo bandhigay 52 mashruuc cilmi-baadhiseed oo ku salaysan hal-abuur, tiknoolajiyad iyo xalal wax-ku-ool ah.
Bandhiggan ayaa muujinaya doorka cilmi-baadhistu ku leedahay horumarinta bulshada iyo ka faa’iidaysiga aqoonta si loo helo xalal cusub.