Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidanka Booliska Somaliland, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Somaliland,
kaddib geerida ku timid Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo ahaa Hoggaanka Baadhista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska JSL.
Madaxweyne Cirro oo ku hadlayay magaciisa, ka Xukuumadda iyo shacabka Somaliland, ayaa sheegay in Marxuum Faysal Xiis uu ahaa sarkaal aqoon iyo khibrad dheer u lahaa hawlaha ciidanka iyo shuruucda Booliska, isla markaana door muuqda ka soo qaatay dhismaha, horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Booliska Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Marxuumku uu ahaa masuul qaran oo si daacadnimo iyo hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa, isagoo ka tagay raad iyo taariikh lagu xasuusan doono adeegii uu u soo qabtay qaranka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, gaar ahaan Jannatul Firdowsa Aclaa, halka uu qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Somaliland uga rajaynayo samir, iimaan iyo adkaysi.