Hargeysa – Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warar saacadihii u dambeeyey lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadam Xaaji Cali Axmed, uu warqad iscasilaad ah u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraal ay soo saartay Maxkamadda Sare ayaa lagu caddeeyey in warkaasi uu yahay mid gebi ahaanba been-abuur ah oo aan lahayn wax sal iyo raad ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale bulshada ugu baaqday inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana xogta ka xaqiijiyaan ilaha rasmiga ah ka hor inta aan la baahin.