Hargeysa– Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si weyn u taageeray aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil, isaga oo sheegay in qaranimada iyo qadiyadda aqoonsigu yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee bulshada Somaliland.


Waxa uu sidoo kale bogaadiyey shaqada Madaxweynaha Somaliland, isaga oo ku baaqay in lagu garab istaago hawlaha qaranka muhiimka u ah.


Waxaanu yidhi “Qaranimadu waa lama taabtaan, Qadiyadda aqoonsigu waa qadiyadda bulshada Somaliland ee koowaad. 

Sharaf iyo Karaamo ayey noo ahayd in aanu la kulano Madaxwaynaha qaranka JSL .


Madaxwaynuhu waxa uu wadaa shaqoooyin badan oo qaranka waxtar u ah, sidaas darteed waxa waajib ah in lagu garab istaago qadiyadaha taabanaya qaranimada.”