Anigoo ku hadlaya magaca Dalladda Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Umbrella, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Qaranka Somaliland (SLNECB), gaar ahaan Guddoomiyaha Guddida, Mudane Daauud Axmed Faarax, iyo dhammaan hawl-wadeennada ka shaqeeyey diyaarinta iyo hirgelinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka.
Waxaan idinku bogaadinayaa dadaalka iyo masuuliyadda weyn ee aad u haysaan ilaalinta hufnaanta, caddaaladda iyo tayada nidaamka imtixaanaadka qaranka. Shaqadiinnu waxay door muhiim ah ka qaadataa horumarinta waxbarashada iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya.
Sidoo kale, waxaan dhammaan ardayda Somaliland ee berri u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare u rajaynayaa guul, nasiib wanaagsan iyo tawfiiq Alle. Waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad naftiinna ku kalsoonaataan, si deggan u gashaan imtixaanka, kana faa'iidaysataan wixii aad soo barateen.
Xusuusta in imtixaanku aanu ahayn dhammaadka safarka waxbarashada, balse uu yahay tallaabo muhiim ah oo aad ugu sii gudbaysaan mustaqbalkiinna.
Alle ha idiin fududeeyo, hana idinka dhigo kuwii guulaysta ee dalkooda iyo dadkoodaba anfaca.
Guul iyo gobannimo ayaan idiin rajaynayaa dhammaan ardayda Somaliland.
Mustafe Dayib Cabdillaahi
Guddoomiyaha
SONYO Umbrella