๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐-๐ค๐ ๐๐ฎ๐ง๐ง๐
Hargeysaโ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa ka qayb-galay munaasabadda Qaran ee lagu xusay 66-guurada maalintii taariikhiga ahayd ee 26-ka Juun 1960, taas oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.
Munaasabadda waxa ka soo qayb-galay madaxda sare ee Qaranka, xisbiyada siyaasadda, madax-dhaqameed, diblomaasiyiin ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Intii ay socotay munaasabadda waxa la soo bandhigay barnaamijyo ka tarjumayey madadaalo, majaajillo, halgankii dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada Somaliland, iyo dhaxalkii taariikhdii madoobayd ee midowgii lagu hongoobay, iyada oo ay masuuliyiin kala duwanni ka hadleen in lagu faro adaygo Xorriyadda iyo Qarannimada JSL, iyaga oo adkeeyey muhiimadda midnimada, wadajirka iyo ilaalinta qaranimada.
Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan nabadda, wadajirka iyo qaranimada. Sidoo kale, waxa uu si kooban uga warbixiyey safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku tegay Israa'iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal xor ah oo madax-bannaan, isla markaana shacabka Somaliland ay si buuxda uga tashadeen aayahooda, kuna go'aansadeen mustaqbalkooda si waafaqsan rabitaankooda iyo arrimaha masiiriga ah ee dalkooda.
Markii ay saacaddu ahayd 12:00 habeenimo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joog ka ahaa Calan Saarka Qaranka, isaga oo salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qaranka. Munaasabadduna waxay ku soo gebogabowday ggabowday jawi ah qaranimo, farxad iyo waddaniyad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐