Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay in sinabad galyo ah uu soo dhamaaday guud ahaan imtixaanadka shahaadiga ah ee dalka
Wasiirka wasaaradda waxbarashada JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, guddoomiye ku-xigeenka xafiiska imtixaannaadka Qaranka Xasan Muxumed Qalinle iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta shaaciyey, in uu imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada afraad ee dugsiyada sare ee Somaliland si nabad ah ku soo gebogaboobay.