Wasiirka Beeraha JSL iyo Agaasimaha oo shir jaraa’id qabtay kadib fadhigii Golaha, iyagoo ka hadlay qodobbadii kulanka iyo qorshayaasha horumarinta beeraha.
𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚– 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 ayaa 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 horgeysay 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚, kaas oo muhiim u ah nidaaminta, tayaynta iyo horumarinta abuurka dalagyada beeraha dalka.
Warbixin guud oo ku saabsan 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 ayaa 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 ka hor jeediyey madaxda Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐆𝐞𝐞𝐝𝐝𝐢 𝐐𝐚𝐲𝐚𝐚𝐝, iyadoo uu wehelinayey 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐄𝐧𝐠. 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐪 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐆𝐚𝐚𝐬, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Agaasimaha Waaxda Waxsoosaarka , 𝐋𝐚-𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚, 𝐆𝐚𝐫𝐲𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚, iyo 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚.
𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚𝐧 waxa uu saldhig u noqonayaa xakamaynta iyo tayaynta abuurka, hubinta helitaanka abuur tayo leh, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, iyo dhisidda nidaam sharci iyo farsamo oo lagu maareeyo abuurka dalagyada beeraha.