Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Dib u Dhigtay Cashuurta GST
Shir saacado qaatay oo dhexmaray ganacsatada Somaliland iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda JSL, ayaa la iskula qaatey in dib loo dhigo markale hirgalinta cashuurta iibka ee GST ee si rasmi ah loo fulinayay 11.07.2026 oo ku beegnayd Sabtida todobaadka danbe.
Wasiirka Maaliyadda JSL, Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in suuqa la galiyey war aan ahayn kii dowladda iyo ganacsatadu hore iskula garteen, sidoo kalena ay tixgaliyeen talooyinka iyo codsiga ay xukuumadda usoo gudbiyeen guddiga ganacsatada JSL.
"Annaga oo tixgalinayna talooyinkii ay soo jeediyeen guddiga ganacsatadu, waxa ay wasaaradda kala kulmeen oo ay ugu yimaadeen wixii suuqa la galiyey mid ka duwan wayna nala qaateen, taas waxay keentay inay qasab noqoto inaan helno wakhti dib loogu dhigo oo arrintaas lagaga shaqeeyo. Ganacsatadu waa dadkii dalkan soo dhisay mana aha kuwo kasoo horjeeda dawladnimada iyo qaranimada ee waa kuwo dhisaya. Sidaas daraadeed waxaan ku shaqaynaa dareenka shacabka iyo ganacsatada waxaana aan qaadanay oo aan aqbalay in muddo dib loo dhigo hirgalintii cashuurta GST ilaa 1.08.2026, si wixii farsamo ah looga wada shaqeeyo" Wasiirka Maaliyadda JSL, ayaa sida ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hargeysa.